Naadiga qalinleyda iyo hal-abuurka ee Somali Pen, laantiisa Muqdisho ayaa Shahaado-sharaf qiimo badan waxa ay shalay oo ku beegneyd 20/1/2022 ay guddoonsiisay Bare sare Cabdalla Cumar Mansuur oo ah aqoonyahan ku xeel-dheer cilmi afeedka.
Guddoomiyaha Somali Pen, laanta Muqdisho iyo Ku-xigeenkiisa Cabdi-naasir Yuusuf Macallin iyo Axmed Maxamed Dhicisow oo hadal kooban ka soo jeediyay munaasabaddii guddoonsiinta Shahaadadaas ayaa sheegay Bare sare Cabadlla Mansuur in uu shahaadadaas ku mutaysatay dadaalkiisa, hawl-karnimadiisa iyo kaalinta weyn ee uu ka qaadato horumarinta afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa.
Bixinta Shahaado-sharaftaas ayaa waxa ay qeyb ka ahayd muxaadaro uu Cabadlla Mansuur u jeedinayay xubnaha Somali Pen, iyada oo muxaadaradaasi ay soo abaabushay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA).















