Qormadan waa guudmar aan diiradda ku saarayo silsiladaha maansooyinka ee geyiga Soomaaliyeed ka tisqaaday qarnigii 20aad.
Silsilad maanso waa taxane maanseed isku guntan, kuna soohan ujeeddo qura, oo ay isweydaarsadeen maansayahanno kala duwan, aragti ahaanna is diidan, oo uu midba mid ka dabaqaato.
Mararka qaarkood waxaa dhacda, ismaandhaaf kala galay laba maansayahan inuu sababo inay tixooyin is weydaarsadaan oo aan misana silsilad noqonayn. Waayo, silsilad waxaa noqon kara isu maansood ay ka qaybgalaan dhowr hal`abuur ama ka badan oo socota muddo.
Silsiladaha tisqaaday qarnigii 20aad
Silsiladihii maanso ee ugu miisaanka weynaa ee soo maray suugaanteenna qarnigii labaatanaad waxaa ugu caansan shan silsiladood oo kala ah:
1-Silsiladdii Guba.
2-Silsiladdii Halacdheere.
3-Silsiladdii Xaydha.
4-Silsiladdii Siinley.
5- Silsiladdii Deelleey.
Shantan silsiladood waxaa la tiriyay horaantii qarnigii 20aad ilaa dabayaaqadiisii; waxayna kala curteen xilliyo aan isku qaab-nololeed ahayn, silsilad kastaana waxay huwan tahay kana tarjumaysaa hab-nololeedkii sebenka la tiriyay.
Haddaba, aan guudmar kooban ku samayno mid kasta oo ka mid ah shantan silsiladood.
Silsiladdii Guba
Silsiladdan Guba ku talagal la`aan ayay curatay horaantii qarnigii 20aad, xubin ku jooggeedu waa guubaabo-xifaaleed beeleed isugu soo biya shubanaya digasho iyo garnaqsi; waxaana ka qayb galay 13 gabyaa miisaan culus ku lahaa maansada.
Waa silsiladdii ugu waqtiga dheereyd, sida la weriyay waxay socotay ku dhowaad soddon gu`; waxaa la sheegaa curashadeedii wiil dhashay markii uu soddon jirsaday inuu soo afjaray.
Silsiladdii Xaydha
Silsiladda Xaydha xubin ku jooggeedu waa xifaalomaag rag dhalya iyo xidid wadaagba ah, kuna arooraysa garnaqsi.
Waxay hillaaddii sannadkii 1941 ka curatay subag la isku qoonsaday oo uu ninna soo gaday nin kalena ku sheegey xaydh. Inkasta oo la rumaysan yahay in tixaheedu badnaayeen, haddana, shan gabay uun baa laga helay.
Silsiladdii Halacdheere
Silsiladdii Halacdheere xubin ku jooggeedu waa xujo-xifaaleed ka curatay guur dhexmaray laba beelood, dulucdeeduna waxay isugu soo biya shubanaysaa garnaqsi, waxaana ka qeybgalay siddeed gabyaa oo magac weyn ku lahaa hal`abuurka maansada.
Ninka silsiladdani naanaystiisa wadato waa Maxamed Xuseen Canshuur. Sida la sheegey ma aheyn nin cir weyn. Hase ahaatee wuxuu lahaa hamuun gorayo.
Silsiladdii Siinley
Siinley horaantii 1970-aadkii ayay ka curatay Kulliyadda Waxbarashada Lafoole. Siinleey waa silsilad aad u shareeran, xubin ku jooggeeduna waa far ku fiiqidda galdaloolooyinkii siyaasadeed, dhaqan dhaqaale ee sebenkaa jiray; waxaana ka qayb qaatay ugu yaraan 15 maansayahan.
Silsiladdani aad ayay u bishay hodantooyada suugaanta Soomaalida.
Silsiladdii Deelleey
Silsiladda Deelley waxay curatay Diisambar 1979, xubin ku jooggeedu waa farkufiiqidda dhaliilihii maamul ee markaa ka jiray dalka. Waxay hoosta ka xariiqaysaa dhibaatada qabyaaladdu ku hayso dawladnimada Soomaaliya.
Waa silsiladda ugu hal`abuurada badan, illaa dhowr iyo konton maansayahan ayaa ka qayb qaatay tixooyinkeeda.
Gabagabo
Silsilad maanseedyadu waxay tiir dhexaad u yihiin gundheerida murtiyeed ee suugaanta Soomaalida. Sida maansooyinka kaleba, waxay xambaarsan yihiin faa’iidooyin ay ka mid yihiin:
-
In ay keydiyeen kumanaan kun oo ereysaleed gundhig u ah af Soomaaliga, la’aantoodana ay lumi kareen.
-
In ay keydiyeen, tahayna il laga tixraaci karo, sooyaalka qaabnololeedkii bulsheed ee sebenkii la tiriyay.














