Waxaan sagootinaynaa sannadka 2020, waxaan soo dhowaynaynaa sannadka 2021. Tirsi-sanadeedkan maraya 2020 waa mid ka mida hababka tirsiga sannadka [calendar] ee dunidan ka hanaqaaday.

Tirsiyada kala duwan ee waqtiga lagu asteeyo, waxaa jira habab kala duwan ee dunida lagaga dhaqmi jiray, qaarkoodna weli lagu dhaqmo. Kalendarada qaarkood waxay raacaan habka tirsiga sanad-qorraxeedka [solar year], halka kuwo kalena ku fadhiyaan habka tirsiga sanad-dayaxeedka [Lunar year].

Habka tirsiga sanad-qorraxeedka ee xilligan dunida ugu caansani waa “Gregorian Calendar”, oo ka kooban 365 maalmood iyo jajab [jajabkaasoo la isku darayna afartii sannoba mar ayaa maalin laysaga dhigaa oo noqota 29 Febraayo]. Tirsigani wuxuu ka bilowdaa 1 Janaayo.

Waxaa jira tirsiyo kale oo ku dhisan sanad-qorraxeedka, laakiin ka bilowda maalmo kale; sida habka Masaaridii hore oo ka bilowda 11 Sebtembar [bilowga Dayrta], iyo tirsigii Faarisiyiinta/Beershiyiinta oo ka bilowda 21 Maarso [Bilowga Gu`ga].

Habka tirsiga sanad-dayaxeedku wuxuu ku dhisan yahay socodka dayaxa, bishu waxay ka kooban tahay 29 ama 30 maalmood, sanadkiina wuxuu noqdaa 354 maalmood; oo aalaaba 11 maalmood ayuu ka gaaban yahay sanad-qorraxeedka.

Habka tirsiga sanad-dayaxeedka kalendarada ku dhisan/dhisnaa waxaa ka mid ah tirsiyadii Shiinaha, Hindida, Baabiliyiinta iyo tirsiga Hijriga ee Muslimiinta.

Habka tirsiga Hijriga, oo ay Muslimiintu tirsadaan, wuxuu ku dhisan yahay sanad-dayaxeed, wuxuuna ka kooban yahay 354 ama 355 maalmood, waana 12 bilood. Tirsigan muslimiintu waxay u adeegsadaan cibaadada, sida Soonka, Xajka iwm.

Habkan tirsiga dayaxu qof kasta wuu u sahlan yahay, uma baahna xusuus iyo qalab midna! Waa inuu qofku fiiriyo dayaxa habeenkii. Waa hab la socodkiisu sahlan yahay.

Kaltirsigii Soomaalida

Habka tirsiga sannadka, Soomaalidu waxay tirsan jireen, welina ay tirsadaan, laba hab oo kala ah habka tirsiga sanad-qorraxeedka iyo habka sanad-dayaxeedka.

Soomaalidu waxay lahaayeen, welina leeyihiin, sannadka dabshidka oo la socda habka tirsiga sanad-qorraxeedka. Habkani wuxuu la jaanqaadayaa xilliyada dabaylaha iyo roobka ee sannadka, oo ay Soomaalidu uga baahnaayeen hab nololeedkooda. Beeraleyda, xoolaleyda iyo badmaaxiinta/kalluumaysataduba way ku xisaabtami jireen, welina way ku xisaabtamaan.

Tusaale ahaan, tirsiga sanad-qorraxeedka ayaa jaangooya xilliga beeraha la beerto, xilliyada badxiranka iyo dabaylaha, iyo xilliga xoolo-dhaqatadu laboodka [orgiga, wanka, dibiga iyo ratiga] ku sii daayaan dheddigoodka.

Habkan tirsiga sannadka Soomaalidu wuxuu ka bilowdaa qiyaastii 20 July [Luulyo] ee sannad kasta. Qiyaastii waa xilliga uu da`o roobka “Karan”-ta loo yaqaan deegaannada Waqooyi & Galbeed, oo ku beegan dhammaadka xilliga Xagaaga. Maalinta sannadkaa ugu horaysa ayaana lagu magacaabaa; sida Jimce, Sabti iwm. Sannadka Soomaalidu wuxuu ka kooban yahay 365 maalmood [ 52 toddobaad + 1 maalin].

Habka tirsigan oo si hufan u dhisan, waxaa la filayaa inuu kumanaan sanno soo jiray. Soomaalidu waxay leeyihiin caadooyin la socda bilowga tirsiga sanad-qorraxeedka, sida DABSHIDKA oo laga yaqaanno guud ahaan geyiga Soomaalida iyo  ISTUNKA oo Afgooye u gaar ah.

Habka tirsiga sanad-dayaxeedka waxay Soomaalidu u adeegsadaan la socoshada waqtiyada cibaadada, sida Soonka, Xajka, bixinta Sakada iwm, iyo dhinacyo kale oo noloshoodaka mid ah.

Xilligan Soomaalidu way adeegsadaan saddexda sanad-tirsiba. Waxaa si baahsan, miyi iyo magaalaba, loo adeegsadaa midka Gregorian, waxaa soo raaca Dayaxa Hijriga; kan Dabshidka oo sii yaraanayaa wuxuu ku haray miyiga.

W.Q. Bare Sare

Mustafa Fayruus