Danjire Jamaal Maxamed Barrow oo ah safiirka Soomaaliya ee wadanka Nayjeeriya ayaa shalay oo ku beegneyd 19/9/2022, waxa uu booqasho ku yimid xarunta Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.
Ambassador Jamaal Max’ed Barrow ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo dadaalka Akadeemiyada ee ku aadan daryeelka afka Soomaaliga, kobcinta akhris/qoraalka iyo dhiirrigalinta hal-abuurka, isaga oo soo indha indheeyay buugaagta qiimaha badan ee taallo maktabadda AGA.
Horey ayaa xarunta Akadeemiye Goboleedka, waxaa u soo booqday madax kala duwan, oo isugu jirtay Wasiiro, Xildhibaanno, aqoonyahanno iyo qeybo kale oo ka tirsan bulshada Soomaaliyeed.