Kulan ballaaran oo isugu jiray Xus iyo Duco loogu tala-galay Guddoomiye sharafeedkii joogtada ahaa ee Somali Pen Dr. Maxamed Daahir Afrax (AUN), uuna soo qaban-qaabiyay naadiga Somali Pen, laanta Muqdisho oo kaashanaya maamulka jaamacadda Green Hope ayaa maanta oo ku beegan 24/10/2021, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabaddii kulankaasi oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb-galay madaxda iyo xubnaha naadiga Somali pen, masuuliyiin ka socotay Akadeemiye-Goboleedka AGA, madaxda iyo ardayda Jaamacadda Green hope, naadiyada akhris-qoraalka iyo marti sharaf kale oo ducada lagu casuumay.
Guddoomiye Ku-xigeenka naadiga ustaad Axmed Maxamuud Dhicisoow (Yaanyo) oo ka hadlayay furitaankii kulankaasi ayaa si qoto dheer u faahfaahiyay kaalintii Dr. Afrax (AUN) uu ku lahaa naadiga iyo halgankii uu u soo galay aasaaska Somali Pen, waxaana uu caddeeyay in uu marxuumku naf iyo maal u soo hurey taaba-galinta naadigaasi, isaga oo Alle uga barayay in u Jannada ka waraabiyo.
Macallin Axmed Sheegoow oo ku hadlayey magaca macallimiinta Jaamacadda Green Hope ayaa sheegay Dr. Maxamed Daahir Afrax in uu ahaa nin dadaal badan oo ku dayasho mudan, waxaana uu qirey in uu marxuumku waqti badan galiyey sidii uu afka Soomaaliga u gaari lahaa maqaam sare, isaga oo codsadey in faataxada loo maro oo loo duceeyo.
Sidoo kale, waxaa munaasabadaasi ka hadashay Najma Maxamuud Cumar “Qaran-Bila” oo ku hadlaysay magaca Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, waxaana ay si ballaaran uga hadashay dadaalkii uu afka iyo hal-abuurkiisa ugu jiray Dr. Maxamed Daahir Afrax, waxaana ay xustay in Akadeemiyada AGA aysan meel cidla ah uga tagi doonin dhaxalkii uu ka tagay Dr. Afrax (AUN), iyada oo dhanka kale naadiga Somali Pen uga mahadcelisay kulanka ay soo abaabuleen oo isugu jirey xuska iyo ducada.
Maamulaha Jaamacadda Green Hope Prof. Mustaf Macallin Cabdulle oo isna ka hadlay munaasabadaasi ayaa ku dheeraaday waxtarkii iyo kaalintii uu Dr. Afrax ugu jiray afka, dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed, waxaa kale uu Prof. Mustaf ka sheekeeyay kaalintii uu marxuumka ku lahaa abaabulka iyo bilaabidda kulliyadda Afka iyo Suugaanta oo ay Jaamacadda dhowaan ku soo biirisay kulliyadaheeda kala duwan, isaga oo ballanqaaday in ay ku sii dhaqmi doonaan dhaxalkii uu ka tagay Dr. Afrax.
Ugu dambayntii, waxaa kulankaasi soo gunaanaday Guddoomiyaha Naadiga Somali Pen, laanta Muqdisho ustaad Cabdinaasir Yuusuf Macallin oo sheegay in Dr. Afrax (AUN) uu ka tagay dhaxal aan duugoobin, waxaana uu ku cel-celiyay in qof ahaan aanu waynay Ditoorka, laakiin ay nala jirto mabda`ii iyo hiilkii uu afka kaga tagay, isagoo Ilaahay uga baryey in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo.