Munaasabad loogu ducaynayay Alle ha u naxariistee Dr. Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyihii Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), ayna ka soo qeybgaleen wadaaddo, madax-dhaqameed, siyaasiyiin, madax ka tirsan Ururrada Bulshada Rayidka ah, bareyaal sare, qorayaal, abwaanno, wariyeyaal, dhallinyaro, haween iyo ganacsato ayaa shalay oo ku beegneyd 22-ka Oktoobar, 2021, waxaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Ugu horreyn, waxaa si ballaaran loogu duceeyay Alle ha u naxariistee Dr. Afrax, oo ay ka-qayb-galayaashu ay Alle uga baryeen inuu u danbi-dhaafo, iilka uu u waasiciyo, uuna qabriga uga yeelo beer ka mid ah Beeraha Jannada!.

Eng. Siciid Salaad Cilmi (Siciid-bulbul), Duqii hore ee Degmada Gaalakacyo ee dhinaca Galmudug, oo ay yaraantii soo wada barbaareen AHN Dr. Afrax, ayaa ku dheeraaday ka-hadalka qofnimadii sare, dabeecaddii wanaagsanayd iyo garaadkii waynaa ee uu lahaa AHN Dr, Maxammed Daahir Afrax.

Eng. Siciid-bulbul ayaa sheegay in AHN Dr, Afrax ay is-bartarteen ayna saaxiibeen 1970, xilligaas oo labadoodu ay ardo ka wada ahaayeen Dugsigii Sare ee 15-ka Maajo ee magaalada Muqdisho. Eng. Siciid wuxuu ku sifeeyay Dr. Afrax inuu yaraantiisiiba ahaa nin fahmo badan oo waxbarashada aad ugu fiican. Sidoo kalena uu ahaa nin edeb iyo xishood badan. Uuna lahaa astaamaha hoggaamiyennimo iyo qoraannimo.

Wakiilka Akameediye-Goboleedka AfSoomaaliga ee Galmudug Abwaan Cali-deeq Maxamed Xaashi, oo isna ka hadlay munaasabadda, ayaa si faahfaahsan uga warramay taariikhdii, wax soo saarka, waxqabadka iyo hoggaamintii sarraysay ee AHN Dr. Afrax.

Abwaan Cali-deeq ayaa sheegay in AHN Dr. Afrax uu kow ka ahaa qorayaasha Soomaaliyeed. Isagoo aan Af Soomaali kaliya wax ku qori jirin ee sidoo kale wax ku qori jiray afaf ay ka mid yihiin Carabiga iyo Ingiriiska. Taasoo uu ku mutaystay in loo tixgaliyo inuu yahay mid ka mid ah qorayaasha sare ee Qaaradda Afrika.

Abwaanku wuxuu xusay in AHN Dr. Afrax uu labaatankii sano ee u danbeeyay u banbaxay Baylahtirka iyo Horumarinta Af Soomaaliga. Wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in burburkii Dawladdii Soomaaliya ee 1991 ka dib in uu si iskiis ah iskugu hawlay sidii loo buuxin lahaa kaalintii  bannaanaatay. Halgan dheer ka dibna uu ku guulaystay hiigsigaas. Isaga oo hoosta ka xarriiqay in  Dr. Afrax uu ahaa Aas-aasihii SSPEN iyo Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA).

 ‘’AHN Dr. Maxamed Daahir Afrax wuxuu lahaa hal-ku-dhegyo cadcad oo uu u adeegsan jiray si uu ummaddiisa ugu hago Hiilka Afsoomaaliga. Waxaana ka mid ahaa: “HADAFKEENNU WAA HIILKA AFSOOMAALIGA IYO HAL-ABUURKIISA FAN IYO SUUGAANEED’’. ‘’IN AFSOOMAALI BARAXLA’ LOO ADEEGSADO HAWL-MAALMEEDKA XAFIISYADA HEERARKA MAAMMUL EE SOOMAALIDA, WAXBARASHADA IYO SAXAAFADDA’’. ‘’AFSOOMAALIGU WAA NABAD-SIDE ISKU XIRA SOOMAALIDA GEESKA AFRIKA IYO MIDDA QURBAHA’’. ‘’KOR-U-QAADISTA QORAAL-CURINTA TOOLMOON IYO WAX-AQRISKA’’ ayuu yiri Abwaan Cali-deeq, oo intaas sii raaciyay in AHN Dr. Afrax uu nooga tagay DHAXAL AQOONEED & HIMILO NOOL.

‘’Ma gudi karo abaalka uu igu leeyahay gacalkaygii galbaday AHN Dr. Afrax” ayuu mar kale yiri Abwaan Cali Deeq oo ballanqaaday inta uu xayiga yahay in uu u sameeyo, haddii Alle idmo, labo arrimood oo kala ah:

  1. In uu Naxariista Alle ugu duceeyo mar kasta oo uu soo xusuusto AHN Dr. Maxamed Daahir Afrax. Iyo

  2. In uu ka shaqeeyo hadafkiisii ahaa HIILKA AFSOOMAALIGA IYO HAL-ABUURKIISA FAN IYO SUUGAANEED’’.

Sidoo kale, waxaa munaasabaddaas ka soo jeediyay duco iyo hadallo kale oo ay ku xusayeen Alle ha u naxariistee Dr. Maxammed Daahir Afrax masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Maxamed Sheekh, Guddoomiyaha Madasha Nabadda iyo Isdhexgalka ee Dhallinyarada G/Mudug, Maymuun Cali-nuur Gayfane, Guddoomiyaha Ururka Haweenka G/Mudug ee Galmudug, Samsam Maxammed Colaad, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug, Bare sare Cabdirisaaq Khaliif, Guddoomiye kuxigeenka Jaamacadda Gaalkacyo, Marwo Xabiibo Koonfuroow oo Wasiir ka soo noqotay Galmudug iyo Bare sare Maxamed Maxamuud Kaahiye (Dr. Macaka), oo wax ka dhiga  Jaamacadda Gaalkacyo.