Maalintii sabtida ee ay taariikhdu ahayd 25-kii Luulyo 2020 ayaa waxaa lagu soo bandhigay magaalada Oslo ee dalka Norway buug cusub oo loogu wanqalay “5ta Tiir ee Guusha” kaasi oo uu qoray aqoonyahan dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdi Jabbaar Sh. Axmed.
Bandhig buugeedkaas oo ay ka soo qeyb-galeen Xildhibaanno deegaan, weriyayaal iyo dadweyne reer Oslo ah ayaa dadkii lagu martiqaaday waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon oo ka socday Akademiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed (Somali PEN).
Hadallo qiima leh ayaa waxaa halkaa ka soo jeediyey aqoonyahanno iyo masuuliyiin dhowr ah. Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Wakiilka AGA iyo Somali PEN mudane Abtidoon oo ka warbixiyey aasaaskii iyo hawlaha ay qabtaan iyo weliba waxa ay u taagan yihiin labadaas hay’adood, wuxuuna ku ammaanay qoraagga buugga Cabdi Jabbaar Sh. Axmed soo saarista buuggaa qiimaha weyn leh ee uu soo bandhigay.
“Waxa aan hubaa in dad badani ay ka faa’iideysan doonaan buuggan wax-tarka weyn u leh bulshadeena” ayuu yiri Abtidoon. Wuxuuna ku dhiirrageliyey dadkii munaasabaddaas ka soo qeyb galay oo u badnaa dhallinyaro in ay ku dadaalaan qoraalka iyo wax akhriskaba.
Qoraa Cabdi Jabbaar ayaa markaa ka warramay buugga iyo waxa uu xambaarsan yahay. Wuxuu sheegay in buuggan oo ka kooban shan qeybood uu akhristaha ku dhiirrigelinayo hanashada nolosha iyo sidii uu guul uga gaari lahaa.
“Ruuxii doonaya in uu buug qoro, waxaan diyaar u ahay in aan ka caawino” ayuu yiri qoraaga buugga 5ta Tiir ee Guusha Cabdi Jabbaar Sh. Axmed.
Waxaa kaloo halkaa ka hadlay xildhibaan Ubax Aaden oo iyadana ah qoraa, kana tirsan golaha deegaanka ee Oslo iyo aqoonyahanno dhowr ah oo munaasabaddaas ka soo qeyb galay, waxayna dhammaantood u hambalyeeyeen qoraagga buugga.















