Labeenta iyo miidda hadalku waa: Godlashada hal-abuurka iyo burqashada suugaanruugga mudhbaxay, fahanka, dhuuxidda, falanqaynta iyo faaqidaadda gunta gabayga, seeska masafada, xuddunta geeraarka, madiixa giishka, dananka heesaha iyo jaadadka kale ee tixda oo laga helo kobcin aqooneed iyo itaal garasho.
Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) maanta ayuu ku go’ay magaalada Hargaysa August 18, 2022
Waxa uu ahaa dugsi laga barto nolosha iyo seeskeeda. Waxa uu ahaa durdur burqanaya oo lagu oonbaxo. Waxa uu ahaa webi deeqsi ah. Waxa uu ahaa badweyn hodan ah iyo miid, magas iyo mullaax leh.
Mar kale, waxa uu ahaa abwaan gaasabaxay, cabqari anuug ah, suugaandhaadhi hela duxda hadalka iyo giraanta baanaha. Waxa uu ahaa buuni baxdow ah, oo aan looga maarmin golaha iyo geedka lagu gorfeeyo ama la isku dhaafsado dhacdooyinka ka la duwan.
Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waxa uu astaan u ahaa caddaaladda, sinnaanta, garsoorka cuddoon, xorriyadda, is-ahaanshaha, nabadda iyo nolosha middeeda wanaagsan. Waxa uu ka guban jiray dulmiga, eexda, gaboodfalka, kelitaliska iyo aabiga lagu la kaco aadanaha karaamaysan.
Ilaahay waxa aan uga tuugayaa inuu ka waraabiyo durdurkii iyo ishii jannadii Fardowsa. Denbidhaaf iyo naxiis mug leh ayaan Eebbe-Weyne u weydiinayaa in uu ku galllado. Eebbow adaa awood leh, oo Qaadir ah; eebbow adaa bixiya naxariis guud iyo mid gaar ah, ee huwi addoonkaagan martida kuu ah. Eebbow adaan kaa tuugayaa in aad galiso jannadda ilwaadka iyo ugbaadka leh, farxadda iyo nolosha wanaagsan leh.
Suugaan duxdeediyo
Damalkii harka lahaa
Dadweynuhu ku hiran jirey
Madxafkii miyaa dumay?!
——————————–
Garashada dirkeediyo
Durdurkii macaanaa
Dadweynuhu ku hiran jiray
Madxafkii miyaa dumay?!
——————————–
Dalmarkii adduunkiyo
Daawadii cuddoonayd
Dadweynuhu ku hiran jiray
Matxafkii miyaa dumay?!
——————————–
Diricii astaantiyo
Dacwadii sinnaantiyo
Dayrkii dugsoonaa
Dadweynuhu ku hiran jiray
Madxafkii miyaa dumay?!
——————————–
Hadduu maanta iga dumay
Yaa dirirta hadalkiyo
Duurxulkeeda wadi kara?!
———————————–
Dabarrada isdhaafiyo
Dildilaha isgarabyaal
Dacal yaa ka garan kara?
———————————-
Yaa darmaanta shaaximan
Iyo duubcad waranlaha
Dusha sare ka hubin kara?
———————————-














