Madaxa tababbarrada Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA Cabdullaahi Shiikh Cabdi (Gacanka), oo 30/3/2022 ka hadlayay bandhigga buuugta Banaadir ayaa ku dheeraaday marxaladihii uu soo maray qalinka iyo sidii ay shalay afka ugu hiilliyeen odayaashii ehelka u ahaa afkeenna hooyo.

“Dadka suugaanteenna hodanka ah iyo hal-abuurka wax ka qoray waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Aw-Jaamac Cumar Ciise oo kontanaadkii jeebkiisa iska maalgeliyey si uu u soo uruuriyo suugaanteenna, waxaa kale oo aan xusi karnaa Yaasiin Cismaan Keenadiid, sidoo kale waxaa ka xusi karaa oo ka mid ahaa dadkii qalinkooda ugu hiilliyay afkeenna hooyo Shire Jaamac Axmed oo buug af Soomaali ah qoray xilli uusan afkeenna hooyo qornayn” ayuu yiri Macallin Gacanka oo intaasi raaciyay maqaawiirta kale ee la  xusi karo in uu ka mid yahay Faarax Maxamed Jaamac (Cawl) oo isaga qoray buugga “Aqoon-darro waa u nacab jacayl” oo lagu tilmaamo buugaagtii ugu horraysay ee af Soomaali lagu qoro.

Madaxa tababbarada AGA oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay qorayaasha abaalka loo hayo in uu ka mid yahay qoraa, suugaanyahan Axmed Faarax Cali (Idaajaa) oo ah suugaanyahan isagoo kale uu aad inoogu yar yahay.

“Waxaa xusid mudan, isagana oo aan laga tagi karin AUN Dr Maxamed Daahir Afrax oo ahaa nin ku caan baxay qorista sheeko fanneedda iyo gorfaynta suugaanta, waxaan ka tagi karin isagana oo afkaan abaal badan geliyay Prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo ah isha maanta uu afkeenna ku taagan yahay hadday noqoto taariikh iyo cilmi-baarisba” ayuu mar kale yiri Macallin Gacanka oo caddeeyay intaan yar in uu u soo qaatay tusaale balse ay badan yihiin dadka afkeenna hooyo qalinkooda ugu hiiliyay.

Madaxa tababbarada AGA ayaa ugu dambayntii sheegay in akhriska badan in laga faa`iido waxyaabo badan, waxaana uu soo jeediyay in lagu dadaalo sidii dhaqan looga dhigan lahaa akhriska.