Maansada aad baa loogu adeegsadaa afmaldahyada, oo u tara arrimo ay ka mid yihiin: Waxay bilaan tixda, waxay heemaaliyaan farshaxannimadeeda maanseed, waxay dhumuc cusleeyaan farriinta iyo macna-gudbinteeda ikk.

Way badan yihiin jaadadka afmaldahyada ee aadka loogu adeegsado maansada; waxaanse qormadan ku soo qaadanaynaa afar ka mid ah, oo kala ah

1. Sarbeebta
2. Ekeynta
3. Humaageynta
4. Qofaynta.

Sarbeebta
Sarbeebta maansada waa jaad-tixeedka sida loo yiraahdo maahee u dhacaya si kale. Tusaale ahaan iyadoo dad laga hadlayo oo misana geed loo heeso. Sarbeebta maansada waxaa inta badan loo adeegsadaa xaaladaha soo socda:

1. Guurka iyo xaaladaha ku xeeran sida: Damac rag iyo qurux haween, nin iyo afadiisa oo is qoomay, xidid iyo xigaalo is-afdhaafey;
2. Halxiraaleynta maansada;
3. Cayda iyo xifaalaha.

Xaaladaha aaan soo xusey markaan u kuurgalno badiba hal’abuurkii hore wuu sarbeebi jiray. Tusaale ahaan guurka iyo xaaladihiisa, sidaan wada ognahay waa arrin xasaasiyad leh oo haddii la qayaxo xinif beeri kara, anshax ahaanna aan ku habbooneyn bulshada in carrabka lagu ballaariyo. Taa awgeed ayaa looga maagaa haddii laga fursan waayana la sarbeebaa.

Tusaaleaan u soo qaadanno laba gabay oo ay is weydaarsadeen Saahid Qamaan iyo seedigiis Feytin Maxamuud.
Saahid Qamaan:

Gamaankiina badan Feytinow,
gabalba waa ceyne
Qaar baan garqaadkana la barin,
gaalibna aqoone
Qaar baan ka goor iyo ka goor,
godolka deyneyne
Gabax lagu shakaalyow sengihii,
gaabi orodkiiye
Gacalnimo haddaad naga rabtaan,
go’aha noo doorsha
Haddii kale sidaad noo gashaan
yaa inoo godoba!!

Feytin Maxamuud
Hal garowsholay Saahidow
gobi la yeedhaaye
Waa gu’ iyo laba deyr jir aan
fuulmadeed geline
Waa kaa gankeedii suryada
loogu cows guriye
Nin gammaan yaqaan dhal waa
gaasa bixiyaaye
Maxaad nagu gelaysaa haddaad
fuuli garan weydey?!

Labadan tixood, haddaan is weyddiino; maxay soo kordhisey sarbeebtu? Innagoon su’aashan ka jawaabin; bal aan diirka ka qaadno waxa labada gabyaa ay isu duur xuleen.

Saahid Qamaan, wuxuu yiri: “Gabadhii aad dhowaanta ii dhisteen waxay noqotey baali jilicsan oo hawshii gurigeeda gabtay. Waxaan codsanayaa, in la iigu beddelo walaasheed oo ka fariidsan!’’

Feytinna wuxuu ku jawaabey, ‘’Gabadhu waa carruur. Iyadoon weli noqon xilqaad guur, ayaan huriweyto kuugu dhisney. Yaraan mooyee, ceeb kale malaha. Wax u sheegid uun bay rabtaa. Haddaadse adigu kaalintaadii gabtay, oo aad tababbaran weyday, yaad ku eedeysaa?’’

Haddaba, akhristow bal qiyaas. Haddii hadalka sidaa loo qayixi lahaa, waxa dhici lahaa. Sarbeebtani waxay suurtagelisay xinif tirka isqabadka dadka xilka kala mudan, iyo waliba, ilaalinta akhlaaqda suuban ee bulshada.

Ekeynta
Ekeynta maansada waa is barbardhigidda tixda la isku barbardhigo laba xaaladood isku ekaantooda.
Faa’iidooyinka ekeynta waxaa ka mid ah, ka sokow bilidda maansada, dhumuc u yeellida aftahammadeeda murtiyeed. Dhanka kale, waxay soo jeedisaa dareenka dhegeystaha ama akhristaha.

Tusaale waxaa innooga filan gabeygii baroordiiqda ahaa ee uu mariyey AHN Raage Ugaasee “Shinni kaaluf galey”, aan soo qaato qaarka mid ah meerisyadiisa:

Sida koorta yucuboo la sudhay,
koromo buubaal ah
Shinni kaaluf galay iyo sidii,
koronkorkoo oomay
Ama koox arda ahoo Qur’aan,
kaatiba u toostey
Ama beelo keynaana oo,
kor u hayaamaaya
Ama geel karreeboo nirgaha,
laga kaxaynaayo
Ama ceel karkaarada jebshiyo,
webi karaar dhaafay
Ama habar kurkii iyo wadnaha,
lagaga kawsiiyey
Ama kaal danley qeybsatiyo,
Kur iyo dhal yaabis
Xalay kolola’aygii ma ledin,
kaamil reeruhuye!.

Raage Ugaas, si uu muujiyo murugadii haraysay iyo taahii ka baxayay wuxuu tixdiisan ku barbardhigay toddoba waxyaallood oo qaylo xaddhaaf ah sameeya, sida: awr leyliya, koor yicibeed loo xiray dhawaqeeda ka didaya; shinni wax qoontay kicida hugunkeeda; ardo Qur’aan akhrineysa bullaankooda… Ikk.

Humaagaynta
Humaagayntu waa in sawir maskaxeed maansada loo abuuro. Humaagayntu maansada wuxuu u kordhiyaa qurux iyo afshaxannimo, iyo macnaha oo uu u yeelo dhumuc iyo qoto dheeri, iyo sidoo kale macno badin.
Waxaa jira waxyaalo aad loogu adeegsado humaagaynta sida: googaalaysiga, halxiraalaha, jacaylka,…ikk.

Tusaale aan u soo qaadanno heesta “saddex cadow” ee uu curiyey AHN Maxamuud Tukaale; isagoo “caashaqa” ka hadlaya wuxuu yiri:

Caynka midab gumeysiga
Hadba ruux cunaha qabay
Oo ciirsina u diid
Cidla keligii ula baydh
Haddii loo calaacalo
Ma yaqaano cabashoo.
Taa waxaa caddayn kara
Intuu curad innaga dilay;
Cakuye waxaa ka sii daran
Cadhaduu innoo qabo!

Erayadani sawir ama humaag ayay maskaxda dhagaystaha ama akhristaha ku beerayaan. Taasina waxay maansada u tartay afshaxannimo iyo weynaynta macnaha iyo farriinta.

Tusaale kale, riwaayaddii “Xorriyo nin gayaa, ha guursado” ee uu curiyey AHN Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub), waxaa masraxa soo gelaya rag ka gadoodsan guurboobka Xorriyo. Mid raggii ka mid ah ayaa ku bilaabaya hadalka sidan:

Annagoon raalli ka ahayn
Rugteennii ninkaa degay
Ruqiyana ku guursaday
Timaheeedii kala rogay
Dumaal uu rag leeyahay
Gardarrada ku raadsaday
Haddaan laysku ruux bixin
Midkeen rubadda laga jarin
Ragannimo maxay tahay?

Sarbeebta kasokow, tixahani waxay sawir gaar ah ku abuurayaan maskaxdeenna.

Qofaynta
Qofayntu waa u hadlida tixda loogu hadlo waxaan hadlin ama aanu af aqoon aadanaha (noole iyo ma noole). Iyadoo laga dhigaayo sidii ay afyaqaannaan oo kale. Tusaaleaan u soo qaato meerisyo ka mid ah gabaygii ‘’Fiinyahay’’ee uu mariyay AUN Cali Xuseen Xirsi, oo uu ku yiri:

Fiinyahay adaa ololayoo,
oohin ciirsaday e
Haddaan laguu imanin waad,
Aamusi laheyde
Maxaad aragtay waan kula qabaa,
uur kutaallada e
Waxay tidhi:Ilaahay haddaad
aad u garanaysid
Oo aad islaan tahay iddaa,
waan irdhaysnahaye.
Waxaan idhi qofkii i abhiyaa,
wuu ammaan heliye
Ashahaadada iyo waan aqaan,
aayaddii Nebiye
Ha yeeshee ilmada kaa dhacdiyo,
umalka guudkaaga
In yar iiga sheeg waxaan rabaa,
inaan ogaadaaye.

Tixdan abwaanku wuxuu shimbirtii fiinta ka soo qaaday qof, deedna wuxuu ula sheekaystay sidii oo ay laba qof yihiin.

Gabagabadii, afmaldahyadu waxay tiir dhexaad u yihiin sameysanka maansada. Haddey tahay heemaalinta farshaxannimadeeda, bilidda habdhaca sargooyadeeda, dhumuc cuslaynteeda murtiyeed ikk.

W. Q. Bare
Cabdullaahi Sheekh (Gacanka)