Maamulka maktabadda Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa shalay oo ku beegneyd 4/8/2022, waxa uu deeq buugaag ah ka guddoomay qoraaga buugga “Kala-qeybintii Soomaalida Qarnigii Labaatanaad” (Nasiibka iyo Nasiib-darrada), kaasi oo nuqullo ka mid ah buugiisa soo gaarsiiyay makatabadda Akadeemiyada.

Munaasabad kooban oo lagu maamuusayay guddoonka buugaagtaasi ayaa lagu qabtay gudaha maktabadda Akadeemiyada, hadal ay halkaasi ka soo jeediyeen maamulayaasha maktabadda AGA Maxamedwali Cabdi Sheekh-rashiid iyo C/qaadir Cabdi Axmed (Jubba) ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan dhiganaha cusub ee lagu soo kordhiyay maktabadda AGA, iyaga oo u mahadceliyay qoraaga buugaasi Dr. Cabdullaahi Cilmi Maxamed oo buugiisa soo gaarsiiyay maktabadda Akadeemiye Goboleedka.

Sidoo kale, waxaa munaasabadaasi ka hadlay Dr. Cabdullaahi Cilmi Maxamed (Dr. Sacad) oo ah qoraaga buugiisa ugu deeqay maktabadda Akadeemiyada, waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in buugiisa uu soo gaaro maktabadda AGA, isaga oo ka mahadnaqay sida wanaagsan ee maktabadaasi loogu soo dhaweeyay.