Dhegahaagu haddii ay maqlaan labadan erey, maskaxdaada maxaa ku soo dhacaya? Waxaa ku soo dhacaya aqoon, cilmi, horumar, ilbaxnimo….. Ka soo horjeedka waxaa kugu soo dhacaya jahli, dibudhac..iwm. Waa arrin dunidu isku raacday, una astaysay maalin gaar ah in loo dabaaldego.

Dhanka kale, tuma ayay aheyd suuraddii ugu horreysay ee Quraanka soo degta? Waa surratu “Iqra”. Waxay ka hadlaysaa wax akhriska. Sidoo kale, saxaabadu qofka qoraalka yaqaan wuxuu ahaa qof tilmaaman. Saxaabigii Abuu Hurayra (Alle Raalli ha ka noqdee) ayaa yiri, “ma garanayo saxaabada cid iiga badan werinta xadiiska marka laga reebo Cabdullaahi Bin Camar. Waxbuu qori jirey, aniguna wax ma qori jirin.” Wuxuu tilaamay Abuu Hurayri sababta looga hormaray inay aheyd wax qoridda.

UNESCO 8da Sebtember ayay u dooratay inay noqoto maalin sannad walba la dabaaldego, laga soo bilaabo sannadkii 1967. Danta dabaaldegga laga leeyahay waxaa lagu soo ururin karaa xusuusin:

  • Waxtarka akhris qoraalka;

  • La dagaallanka jahliga iyo akhris qoraal la’aanta;

  • Xuquuqda qof walba u leeyahay inuu helo fursad waxbarasho;

  • In akhris qoraalku yahay jidka aqoonta iyo horumarka;

  • Sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa heerka akhris qoraalka, iwm.

Sannadkan halkudhigga la doortay waa horumarinta akhris qoraalka xilliga dijitaalka.

Heerka akhris qoraalka ee Soomaaliya.

Marka la rabo in la ogaado heerka akhris qoraalka ee waddan, waxaa la eegaa boqolkiiba inta qof ee akhrin karta oraah ama weer fudud oo kuwa maalin walba la isticmaalo ah.

Tirakoob ay sameysay hay’adda UNFPA 2014 waxay ku sheegtay in heerka akhris qoraalka Soomaaliya uu ahaa 40%. Hay’ado kale oo sameeya tirakoobka akhris qoraalka waxay ku sheegeen 2025 inta u dhaxeysa 38-41%. Isbarbardhig lagu sameeyay 10 waddan oo ka mid ah kuwa la isku yiraahdo Sub Sahara, Soomaaliya waxay ka gashay kaalinta saddexaad waddammada ugu hooseeya. Labo waddan ayaa ka hooseysay. Guud ahaan, Soomaaliya dunida waxay ka gashay kaalinta 7/8aad. UNESCO waxay sheegtay celceliska dunida akhris qoraalka sannadka inuu noqday 86%. Wax yar oo horumar ah ayaa la sameeyay.

Sooyaal kooban af Soomaaliga

Af Soomaaliga waxaa looga hadlaa dhul dhan 1,100,000 KM2 , waxaana ku hadla bulsho lagu qiyaaso 30 malyan oo qof. Guud ahaan, dunida waxaa lagu sheegaa in looga hadlo ilaa 7000 oo af, Soomaaligu wuxuu ku jiraa kaalinta 70aad, marka la eego tirada dadka ku hadla. Marka boqolley loo rogo, afafka dunida looga hadlo 99% af Soomaaliga ayaa ka horreeya. Sidoo kale, Afrika waxaa looga hadlaa ilaa 2000 oo af, af Soomaaliguna wuxuu ku jiraa kaalinta 9aad.

Heerarkii qoridda af Soomaaliga.

Af Soomaaligu waa af hodan ah oo fac weyn, laakiin qoriddiisu ay fac yartahay. Waa af leh waxyaabo badan oo dheeraad ah marka loo eego waddammada dariska la ah. Waa afka keliya oo bulshada ka dhexeeya, halka, tusaale ahaan, Itoobiya looga hadlo 80 af.

Qoriddiisu ilaa lix heer ayay soo martay. Xilligii hore, xarfaha af Carabiga ayaa loo adeegsan jirey qoraalkiisa, gaar ahaan culimada. Shiikh Cali Majeerteen iyo Shiikh Uweys Baraawe ayaa ka mid ahaa culimadii farta carabiga Soomaaliga ku qori jirtey. Waxaa la sheegaa inuu uga horreeyay Shiikh Yuusuf Kowneyn. Qarnigii 18/19aad ayay aqoonyahanno reer Yurub ah bilaabeen inay baaritaan ku sameeyaan af Soomaaliya. Buuggii u horreeyay oo ku saabsan naxwaha af Soomaaliga waxaa qoray sarkaal Ingiriis ah oo la oran jirey Fred Hunter 1880. Sidoo kale, ayaa aqoonyahanno kale oo reer Yurub ah u qoreen buugaag kala duwan oo isugu jirey naxwe, qaamuus, sheekooyin iwm.

Bilowgii qarnigii 20aad ayaa aqoonyahanno Soomaaliyeed isku dayeen inay far afka u sameeyaan. 1922 ayay soo baxday fartii Cusmaaniyada, 1933 tii Gudabiirsay. Kontomeeyadii qarnigii hore waxaa soo baxay 17 farood oo intooda badan ay Carabi iyo Laatiin ka soo jeedaan, oo ay soo saareen aqoonyahanno Soomaaliyeed. Dawladdii Rayidku waxay isku dayday inay far soo saarto, umase suurtaggelin. Dawladdii Kacaan ayaa ku guuleysatay inay dedaalladii muddada soo socday hirgeliso, soona saarto far cusub 21 Obtoobar 1972.

Xilligaa heerka akhris qoraalka ee Soomaaliya waxaa lagu qiyaasay 3-5%, laakiin muddo kooban ka dib waxay gaartay 55-70%, arrinkaas oo noqday mid indhihii dunida soo jiitay. Taasi waxay keentay in sannadkii 1975 ay UNESCO guddoonsiiso billad sharaf wasiirkii waxbarashada ee Soomaaliya.

Burburkii dawladdii dhexe waxaa raacay hay’adihii waxbarashada, waxaana ku yimid burbur waxbarashadii waddanka. Si kastaba ha ahaatee, xilligan waxaa muuqda xiiso loo qabo af Soomaaliga, waxaana muuqda dedaal dhan dawladeed iyo dhan bulsho ah.

Waxaa la filayaa in xilliyada dhow laga sameeyo horumar la taaban karo akhris qoraalka, korna loo qaadi doono heerka hoose ee uu hadda waddanku marayo. Sidoo kale, Akademiye Goboleedka af Soomaaliga (AGA) waxay dedaal ku bixinaysaa sidii ay uga qaybqaadan laheyd dedaalkaa loogu jiro u hiillinta af Soomaaliga.

W/Q: Cabdulqaadir Cabdulle Diini