Bandhigga buugaagta Banaadir oo socday intii u dhaxaysay 29-30/3/2022 ayaa naadiyadii lagu casuumay waxaa ka mid ahaa Naadiga Qalinlayda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed Somali Pen laanta Muqdisho, iyada oo Somali Pen ay halkaasi ku soo bandhigtay taariikhda iyo waxqabadka naadigaasi faca weyn.

Xoghayaha naadiga Cabdulqaadir Cabdi Axmed (Jubba) oo naadiga u hadlayay ayaa si wayn uga sheekeeyay marxaladihii iyo taariikhdii uu soo maray naadiga Somali Pen iyo guulihii uu ku tallaabsaday intii uu jiray.

Xoghayaha ayaa si wayn uga hadlay Somali Pen laanta Muqdisho oo uu dul istaagay shaqooyinka iyo hawlaha ay qabato iyo siyaabaha naadiga looga mid noqon karo, isaga oo ka qayb-galayaasha bandhiggaasi ku dhiirrigeliyay in ay ku soo biiraan naadiga.

Sidoo kale, xoghayaha naadiga ayaa si wayn uga iftiimiyay muhiimadda iyo mudnaanta uu leeyahay qoraalka iyo akhriska, waxaana uu ku boorriyay qorayaasha Soomaaliyeed in ay qalinkooda ugu hiilliyaan afkeenna hooyo.