Kulan loogu tala-galay in loogu duceeyo Macallin Siciid Jaamac Xuseen, ayna ka soo qeyb-galeen Wasiirro, Senatorro, siyaasiyiin, aqoonyahanno, maskax-maal, qorayaal, culumaa’udiin, dhallinyarada naadiyada akhriska iyo qoraalka ayaa 12/6/2022 waxaa lagu qabtay xarunta cusub ee Akadeemiye Goboleedka ee magaalada Muqdisho.

 Kulankaasi oo ay soo qaban-qaabisay Akadeemiye Goboleedka oo kaashaynaysa Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa laga soo jeediyay hadallo u badnaa duco iyo ka sheekeeynta taariikh nololeedkii marxuumka.

Wasiirka Warfaafinta, Mudane Cismaan Abuukar (Dubbe) iyo qaar ka mid ah ka qeyb-galayaashii kulankaasi ducada ahaa ayaa sheegay in uu marxuumku ahaa qoraa taariikh fog ku leh bahda hal-abuurka Soomaaliyeed, iyaga oo Alle uga baryay inuu Jannadiisa ka waraabiyo.

Qoraa, Macallin Siciid Jaamac Xuseen Ilaahay ha u naxariisto waxaa uu ahaa halyay kaalin dahabi ah ka qaatay taariikhda, dhaqanka, afka iyo sooyaalka Soomaaliyeed.

Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi raajicuun.