Kulan aad u ballaaran oo isugu jirey duco iyo quraan akhris loogu tala-galay Guddoomiyihii Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax, ayna soo qaban-qaabiyeen Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed ayaa shalay oo ku beegneyd 15/10/2021, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Kulankasi oo si mug leh loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay xubno ka socday AGA, qorayaal, bahda akhris-qoraalka iyo marti kala duwan, iyada oo dhammaan dadkii isugu yimid quraan akhriskaasi ay marxuumka Alle uga baryeen inuu Jannadiisa ka waraabiyo.
Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ahaa Guddoomiyihii Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa ahaa haldoor aad loo jecel yahay, waxaana uu dhawaan ku geeriyooday dalka Ingiriiska.















