Nolosha oo idili waa hayaan. Ka soo billow goortii aad ka soo hayaantay dhabarkii aabbahaa iyo kalxamaha hooyadaa adigoo ah candhuuf. Kolkii aad ka soo hayaantay uurkii hooyadaa. Hayaankii halkaas aad ka soo billawday waa ka aad xoolka, dhabta hooyadaa, gurguuradka, raad dhaqaajiska ilaa iyo dhababacada aad ku jirto.

Hayaanka noloshu halkaas uun kuma hakado ee hirba hir ayuu kuu dhiibayaa ilaa inta xusullada xabaasha laguu dhigayo. Xoolkaas iyo xabaasha inta u dhaxaysa ayaad tahay. Soomaalidu waxay tiraahdaa: qofku wuxuu u dhexeeyaa labaqabasho. Wuu dhashaye qabta iyo wuu dhintaye qabta! Labadaas qabasho ayay sirtu ku duugantahay.

Intaas labada xaaladood udhaxaysa imisa jeer baad hayaantay? Carruurnimo ayaad ka hayaantay. Waxbarashada hoose ayaad ka hayaantay ta dhexe iyo sare baad u hayaantay! Dhallinyaranimo ayaad ka hayaantay. Hayaankaas uun baad ku jiraysaa. Hayaankaas intaad ku jirto hugun iyo hirar baa kaa dhex guuxaya, han baad leedahay oo himilo ayaa kuu muuqata. Higsi iyo waxaad haabanayso ayaa jira.

Noloshaas hayaanka ah waxa sidoo kale loo kala hayaamaa dareennada oo farxad baad murugo uga hayaamaysaa ama murug baad farxad uga hayaamaysaa. Caafimaad baad xanuun uga hayaamaysaa. Xanuunnada oo idilna kiniin iyo irbado laguma daweeyo.

Xanuunnada ku soo mara haddii aanay haddaadu gelin waa laga bogsadaa, se xasuusaha qaarkood waa xabag aan xiska ka gu’in. sikinnada, saacadaha iyo sannadadu si kasta oo ay xawaaree ugu socdaan, waxaa jira xaalado aadan xagna uga kacayn.

Xusuustu waa macdanta qofka. Xusuus la’aan wax ma dhaantid xaashida cad. Xusuusta teeda xanuunka badani waa xabsi iyo waran wadnahaaga ku taagan.  Noloshaas aad hayaanka tahay ayuunbay dadkuna hayaan ku yihiin.

Adduunyadu way waayo badantahay. Mahadhooyinka maanka maamula waxaa kamid ah socdaalka. Diyaaradahan xawaaraha dheer jaraa, waxay sii qaadaan kuwo qalbiga hoy ku lahaa oo inay socdaalaan la huriwaayay. Markaasay iyaguna qayb inaga mid ah sii qaataan oo inooga tagaan xanuunka uu hilawgoodu beeray ee aan dawo aan iyaga ahayn loo haynin.

Dhiigga  iyo wadnuhuba waxay la shaqeeyaan bixiddooda oo waxay horay u qaataan qayb farxaddeenna ah oo hiyigeennu iyaguu la hayaamaa Soomaalidu waxay tiraahdaa: “Reer guuray iyo reer negi niyadday iska raacaan”

Kuwo gacal iyo xigaal kuu ahaa baa xagga Alle u hayaamaya oo xabaalaha u hoyanaya. Waxa jira boosas haddii ay bannaanaadaan  wax buuxin kara aanay jirin oo sida guri bulukeeti laga saaray ku burburinaya se, adduunyadu waa hoyga imtixaanka.

Gabadha ninkeedu dhintay waxa la yiraahdaa carmal ta aabbeheed dhintayna agoon[1], midda hooyadeed weyda waxa la yiraahdaa rajo. Ma garanaysaa gabadha uu ka dhinto mid ka mid ah carruurteedu waxa la yiraahdo? Maya, ma garanaysid maxaa yeelay ma jiro ruux garanaya. Male magac iyo qaab loo sawirikaro ama loo suurayn karo xanuunkaas ay hooyadaasi dareemayso.

Hugun iyo hayaankaas noloshuna waa lama huraan haddaad diiddo iyo haddii aad doontaba. Oo intaad adigu nooshahay qof baad dunida ku soo gelbinaysaa midna godkaad u sii gelbinaysaa garawso oo adna goor uun baad u guuri xabaashaada e maxaa kula gudboon?

Hayaanku dareenka iyo heerarka nolosha uun maaha ee kolol badan waxaad u kala hayaamaysaa oo aad ku dhex hayaamaysaa: fahanka nolosha, mabda’, adduun araggaaga iyo waaya-aragnimada nolosha. Wax aad shalay aaminsanayd baad maanta ka guuraysaa. Aragti aad ka fogayd baad ku xidhmaysaa! Wax qaali kuu ahaa baad qoonsanaysaa, waxaan qiimo kula lahayn baad qalbiga ku qaadanaysaa.

Qof aan noloshaada qayb ku lahayn baa adiga qayb kaa mid ah noqonaya! Mid aad ku taami jirtay baad tiraysaa! Wax aad la yaabi jirtay baad caadaysanaysaa! Wax aad ku xarragoon jirtay baad ka xishoonaysaa!

Haddii aan dhanbaalkan wax uun kuugu dhigi lahaa, waxaan ku oran lahaa, dunidu way is beddeshay. Munaafaqaddii baa ilbaxnimo noqotay. Inaad af gobaadsi badisdaa waa ilbaxnimo! Qof been buufinaya inaad madaxa u ruxdaa waa dad ka rooni. Wax aadan raalli ka ahayn mararka qaar inaad yeeshaa waa bisayl. Nin ama naag shisheeye kaa ah inaad gaaddada isasaartaan waa ilbaxnimo! Boqollaal xunoo laga xishoon jiray maanta waa ilbaxnimo. Qudhoodu waa qaab laga soo hayaamay iyo kuwo naf la biday oo loo soo hayaamay

Haddii dibnuhu sheegi jireen dareen wadnaha laga soo shiilay oo maanka laga soo miiray oo carrabkuna markiisa erayo macaan ku marin jiray maanta sidu sidii maaha.  Macdiyo macaaneeyda hawqaadan maxabee dhaqan reer magaal weeye.

Kuu hanbeeyay hadalka e adiguna hawraartaada keen. Aynu wada hayaannee la hayso hayaanka iyo hugunka nolosha.

Dayax Axmed-iley

[1] Xigasho filka لا تخف أنا بجانبك, xalqadda 6aad.