Ku-simaha Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Akadeemiyada Xildhibaan Maryan Cariif Qaasin ayaa xalay oo ku beegneyd 13/10/2021, waxa ay ka qeyb-gashay barnaamij loogu talagalay xuska Allaha u naxariistii Guddoomiyihii Akadeemiye-Goboleedka Dr. Maxamed Daahir afrax oo dhawaan ku geeriyooday dalka Ingiriiska.

Barnaamijkaas oo ay soo qaban-qaabisay xarunta Laashin ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibanno, Wasiirro hore, qaar ka mid ah wakiilada AGA ee caalamka, aqoonyahanno, qorayaal, iyo waxgarad kale oo ka mid ahaa asaxaabtii Dr. Afrax, iyada oo barnaamijkaasi lagu qabtay aallada loo yaqaanno Zoomka.

 Ku-simaha Guddoomiyaha AGA Xildhibaan Maryan Cariif oo ka hadashay munaasabadaasi ayaa ugu horeyntii waxa ay ka tacsiyaysay geeridii ku timid Guddoomiyihii AGA, waxaana ay si qoto dheer uga war-bixisay aqoonta ay u laheyd marxuum Maxamed Daahir Afrax.

“Dr. Afrax Alle ayaa naga jeclaaday, geeridiisa si gaar ah ayay ii taabatay, shaqsi ahaan waxa aan dareensan ahay qof walba oo inagga mid ah in ay jug weyn ka soo gaartay geerida marxuumka, xaqiiqdii Maxamed waxa  uu ahaa ahlu-kheyr dabaeecad wanaagsan oo leh hibooyin iyo hal-abuur gaar ah, waxaana lagu xasuusan doonaa doorkii uu ka soo qaatay nooleynta, xoojinta iyo hiilka afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa suugaaneed” ayay tiri Xildhibaan Maryan Cariif oo marxuumka Alle uga bariday inuu Jannada ka waraabiyo.

Sidoo kale, xuskaasi waxaa ka hadlay Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda, Danjire Axmed Ciise Cawad, Guddoomiyaha Laashin Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad), wakiilada AGA ee Yurub iyo Maraykanka, C/raxmaan Abtidoon iyo Macallin Saciid Saalax, Af- yaqaan Cabdalla Mansuur, qoraa Saciid Xuseen, aqoonyahan Prof. Cali Jimcaale Axmed, Rashiid Garweyne iyo waxgarad kale.

Sagaalkii bisha Oktoober 2021-kii ayuu Guddoomiyihii Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax, waxa uu ku geeriyooday dalka Ingiriiska, waxaana lagu aasay isla dalkaasi.