Warsidaha AGA oo ka mid ah qalabka warbaahinta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ayaa waraysi kooban waxa uu la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Soomaaliyeed Abwaan Xirsi-Dhuux Maxamed; waraysigiina wuxa uu u dhacay sidan:
Weydiin: Ugu horaynba waa kuma Abwaan Xirsi-Dhuux?
Jawaab: Magacaygu waa Xirsi Maxamed Weheliye “Xirsi-Dhuux”, hooyadayna waa Salaado Kadiye Maxamed. Waxaan 1960 ku dhashay Xarardheere, waxaana dugsigii Quraanka ku qaatay isla magaaladii aan ku dhashay. Sagaal jirkaygii baan Muqdisho soo galay, kana sii ambaqaaday waxbarashadaydii.
Weydiin: Waxaad nooga warrantaa taariikhdaada fanneed?
Jawaab: Ugu horayn waxaan ka mid noqday ubaxii Degmada Xamar Jajab, kaddib waxaan ku biiray 1982 kooxdii Dayax ee ururka Dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed, 1984 waxaan ku wareegay kooxdii Xusuus ee Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed, 1990 ayaan ka tagay oo aan ganacsiga ku biiray. Burburkii kaddib waxaan xoogga saaray wacyigelinta bulshada. Waxaan ka qayb-galay tartan suugaaneed ay Qarammada Midoobay qabatay 1998, waxaana ka galay kaalinta koowaad.
Weydiin: Waxaad warbixin kooban naga siisaa Golaha Abwaannada Soomaaliyeed?
Jawaab: Waxaan golaha aasaasnay 19/9/1998. Waxaa lagu aasaasay Degmada Hawlwadaag xaafadda “Shanta Geed”. Aasaaskaa hore waxaan noqday afhayeenka golaha. Guddoomiyihii u horreeyay waxaa noqday Abwaan Mustafe Sh. Cilmi, waxaa ku xigay abwaan Abshir Nuur Bacadle, waxaa ku xigay Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise “Singub”, geeridiisii kadibna aniga ayaa noqday Guddoomiyaha Golaha. Waxaan ahay Guddoomiyihii afraad ee Goluhu yeesho intuu soo jiray.
Weydiin: Yaa xubno ka noqon kara golahan?
Jawaab: Golaha abwaannada waxa xubin ka noqon kara qof kasta oo leh hal-abuurka fanka iyo suugaanta, sida: abwaanka maansada curiya, qofka farshaxanka sameeya, qoraaga sheekooyinka curiya iyo qofka laxamiistaha ah.
Weydiin: Waa maxay yoolka Golaha Abwaannadu?
Jawaab: Hadafka goluhu waa mid ballaaran sida isku xirka abwaannada, baraarujinta bulshada, diyaarinta abwaanno wax bartay oo ummadda ku hoggaamiya tubta toosan.
Weydiin: Maxaa ka mid ah hawlaha wacyigelinta ugu muuqda ee aad soo qabateen?
Jawaab: Hawlihii uu ka qaybqaatay waxaa ka mid ahaa baabi`inta khadkii cagaarnaa ee Muqdisho. Xubnaha goluhu waxay Shirkii Carta soo bandhigeen suugaan badan, sidoo kale waxay ka qaybgaleen shirkii Embagaati iyo Eldoret. Wuxuu goluhu ka qayb-galay nabadayntii Galmudug iyo Puntland 2016 oo Guddoomiye Afrax la’aantii aanmay noo suurto-gasheen; sidoo kale, wuxuu ka qayb-galay nabadaynta Galmudug dhexdeeda ah, iyo u gurmashadii fatahaadda webiga ee Beledweyn.
Weydiin: Abwaanku kaalintee ayuu kaga jiraa bulshada Soomaaliyeed?
Jawaab: Kaalinta abwaanku waa kaalin macalinnimo, guubaabiye, tababbare, tilmaame iyo nabadoon. Maskaxda abwaanku waa maskaxda ummadda.
Weydiin: Abwaan sideed u aragtaa hawlaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga?
Jawaab: Akadeemiye-Goboleedku waxay u guntatay inay kor u qaaddo afka iyo hal-abuurkiisa. Waxaannu mataano ku nahay ilaalinta afka iyo hal-abuurkiisa. Akadeemiyadu qalinka ayay afka ku ilaalisaa, annaguna suugaanta.
Weydiin: Wada shaqeyn intee le’eg ayaa ka dhexaysa Golaha Abwaannada iyo Akadeemiye-Goleedka AfSoomaliga?
Jawaab: Wada shaqayn aad u heer sarraysa baa naga dhaxaysa, waxaannu nahay mataano iyo ul iyo diirkeed dhan uga soo wada jeeda ilaalinta afkooda kana dhexeeyso iskaashi hawleed. Afrax iyo hawlwadeenadana waan uga mahad-celinayaa wada shaqayntayada.
Warsidaha: Abwaan aad baan kaaga mahad celinaynaa waqtiga aad nasiisay.
Jawaab: Aniguna aad baan u bogaadinayaa Warsidaha AGA, oo ah toosh uu qofku ka baran karo farsamada qoraanimo.















