Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa shalay oo ku beegneyd 8/12/2025, waxa uu oo xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ahna qoraaga dhiganaha “Haystaha Qatan” Maxmed Cabdi Maxamuud Dhoore.
Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uga warbxiyay dadaalka Akademiyada ee ku aaddan dhanka horumarinta af Soomaaliga iyo dhiirrigalinta qorayaasha Soomaaliyeed ee wax ku qora af Soomaaliga, isagoo iftiimiyay inay Akademiyadu u furan tahay muwaadin kasta oo ku hawlan arrimaha afka, dhaqanka, suugaanta, hal-abuurka iyo aqoonfaafinta.
Qoraa Maxmed Cabdi Maxamuud Dhoore, ahna mid ka mid ah Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida diirran ee guddoomiyaha AGA uu ugu soo dhaweeyay xarunta Akademiyada, waxaana uu tilmaamay inay ka go’an tahay sidii uu saaxiib dhaw ula noqon lahaa Akademiyada iyo bahda aqoonfaafinta, isagoo guddoomiyaha Akademiyada ku wareejiay dhawr nuqul oo ka mid ah buugiisa “Haystaha Qatan”
Sidoo kale, qoraaga buugga Haystaha Qatan, waxa uu nuqul ka mid ah buugiisa uu si gaar ah u guddoonsiiyay madaxa waaxda Naxwaha ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), Barasare Cabdalla Cumar Mansuur
Buugga Haystaha Qatan waxa uu diiradda saarayaa khayraadka ceegaaga dalkeena noocyadiisa kala duwan, sida kheyraadka Xoolaha, Beeraha,Webiyada, Badda, Macdanta dhulka korkiisa iyo hoostiisa jiifta, Iwm.
Sidoo kale, buugga Haystaha Qatan (Qadsan), waxa uu la hadlayaa qof wax haysta (Soomaali ah), misna ka qatan/qadsan wixii uu haystay.















