Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ( AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa uga tacsiyeeyay Safiir-sharafeedka AGA iyo AfSoomaaliga Danjire Axmed Ciise Cawad geerida ku timid aabbihiis Alle ha u naxariistee Marxuum Ciise Cawad.
“Aniga oo ku hadlayo magacayga iyo magaca bahda AGA, waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa saaxiibkeey, ahna Safiir-sharafeedka AGA iyo AfSoomaaliga Danjire Axmed Ciise Cawad oo aabbihiis Allaha u naxariistee marxuum Ciise Cawad oo shalay geeriyooday” ayuu yiri Dr. Afrax oo sheegay in uu marxuumka Alle uga baryayo in uu Jannadiisa ka waraabiyo, qoyskii uu ka baxayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Allaha u naxariistee marxuum Ciise Cawad waxa uu ka mid ahaa hogaamiyaasha bulshada dhexdeeda ku lahaa magaca ballaaran iyo maqaam sare!