Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray wakiilka AGA ee wadanka Sweden Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Xuseen Wadaad) oo shalay oo ku beegneyd 7/9/2020-ka uu walaalkiis Allaha u naxariistee Marxuum Xasan Maxamed Cabdulle (Xasan Ruuke) uu ku geeriyooday dalka Canada.

“Aniga oo ku hadlayo magacayga, magaca Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo guud ahaan magaca bahda afka, dhaqanka, hal-abuurka iyo suugaanta ayaa geerida Marxuumka, waxa aan uga tacsiyaynayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed,  gaar ahaan qoyskii, eheladii iyo saaxiibadii uu ka baxay Marxuumkaas, waxaana Alle uga baryayaa inuu Jannada ka waraabiyo” ayuu yiri Dr. Maxamed Daahir Afrax.

Dhinaca kale tacsi taas la mid ah waxaa dirayo goosanka  Akadeemiyada ee  Muqdisho oo kala ah Prof. Mustafa Feyruus, Cabdi-naasir Yuusuf, C/qaadir Axmed Cabdi (Jubba), Cali Cigaal, C/casiis  Goobdoon, Caaqil Axmed faarax, Deeq Xersi, C/llaahi Gacanka, Rooble Axmed Iidle (Qalbi Taajir), C/llaahi Xasan, C/qaadir Shire, Seynab Xaaji Axmed “Ugbaad” iyo Dayax Axmed Maxamed, dhamaan xubnahaas  waxay wakiilka AGA ee wadanka Sweden Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) ay uga tacsiyeynayaan Marxuumka geeriyooday, waxayna Alle uga baryayaan inuu Jannada ka waraabiyo.

Sidoo kale waxaa tacsi taas la mid ah diraya Maqaawiirta iyo Wakiilada Akadeemiyada AGA ee kala ah Prof. Cabdalla Mansuur, Macallin Saciid Saalax, Qoraa Axmed Faarax” Idaajaa”,  Aqoonyahan Maxamed Sheikh  Afguriye {Xukun}, Ismaaciil Jaa-juumow,  C/qaadir Ruumi,  C/raxmaan Abtidoon,  Aamino Muuse,  Max’ed C/llaahi Cartan, Macallin Maxmuud, Maxamed Xasan Cirro, Cabdi-naasir Ibraahim, C/rashiid Maxamed Ismaaciil iyo Inna Caws-gurow,  dhamaan aqoonayahannadaasi waxay Dr. Xuseen Wadaad  uga tacsiyaynayaan geerida ku timid walaalkiis oo ku geeriyooday dalka Canada.

Adduunyadu waa safar, qof walbana maalin ayuu ka tagayaa ee Allaha u naxariisto Marxuum Xasan Maxamed Cabdulle (Xasan Ruuke) uu ku xijaabtay dalka Canada

Innaa Lillaahi Wa-Innaa Ileyhi Raajicuun!