Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee wariye C/qaadir Maxamed Mursal oo 1/10/2020 ku geeriyooday wadanka Maraykanka.

Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa sheegay inuu si aad ah uga naxay geerida marxuum Mursal, waxaana uu tilmaamay geerida marxuumkaas inay uga dhigan tahay tiir culus oo ka baxay Bahda warbaahinta iyo hal-abuurka, isaga oo xusay in wariye Mursal  uu ka mid ahaa hormuudka hal-abuurka Soomaaliyeed ee xagga saxaafadda, farshaxanka iyo suugaan-curinta intaba.

Guddoomiyaha AGA ayaa ugu dambayntii marxuumka Alle uga baryay inuu siiyo naxariistii janno, intii uu ka geeriyoodeyna, siiba eheladiisa iyo bahda aqoon-faafintana uu ka siiyo  samir iyi iimaan khayr qaba!