Xaflad lagu maamuusayay Daah-furka dhiganaha loogu wanqalay Is dhex-galka Bulshada, ayna ka soo qeyb-galeen madax kala duwan iyo bahda akhriska iyo qoraalka ayaa 31/8/2020, waxaa lagu qabtay xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Tiyaatarka Qaranka.
Furitaankii munasabaddaas waxaa ka hadlay Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Shube iyo Agaasimaha Arimaha Bulshada ee xafiiska Ra’iisul-wasaaraha ahna Agaasimaha Is-xilqaan Maryan Aadan Amiin, kuwaasi oo si kalgacal leh ka qeyb-galayaashii bandhiggaasi ugu soo dhaweeyay Tiyaatarka Qaranka, waxayna dhinaca kale caddeeyeen in baahi wayn loo qabay in la helo dhigane noocaan oo kale ah, iyaga oo bogaadiyay qoraaga dhiganahaasi qoraa Xamdi Cabdullaahi Kaboole.
Guddoomiye Ku-xigeennada Degmooyinka Dayniile iyo Boondheere C/qaadir Cali Faracade iyo Cabdi-xamiid Cabdi-kariim Xuseen oo iyaguna xafladaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay kaalinta ay qoraalka kaga jiraan gabdhaha Soomaaliyeed, waxayna qoraha dhiganaha is- dhexgalka bulshada ay ku dhiiri-galiyeen inay soo saarto dhiganayaal kale oo waxtar u leh ummaddeeda, iyaga oo hoosta ka xariiqay inay wax badan ka kororsan doonaan dhiganaha is-dhexgalka bulshada.
Hadal jeedintaasi kadib, waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Qorayaasha Najmo Maxamuud {Qaran Bila} iyo Irshaad Daahir Tubeec oo ka mid ah madaxda dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwaasi oo si ballaaran u gorfeeyay cutubyada uu ka kooban yahay dhiganahaasi iyo faa’iidada uu xambaarsan yahay, iyaga oo qiray in si farshaxnimo ah loo qorey dhiganahaasi.
Gaba-gabdaii xafladaasi waxaa hadallo kooban ka soo jeedisay qoraha dhiganaha Is dhex-galka Bulshada qoraa Xamdi Cabdullaahi Kaboole oo u wada mahadnaqday intii ka soo qeyb-gashay bandhigga dhiganaheeda, iyada oo balanqaaday inay halkeeda ka sii ambaqaadi doonto qoraalka buugaagta iyo ka qeyb-qaadashada hawlaha loogu adeegayo ummadda Soomaaliyeed.
Intii ay socotay munaasabaddaasi, waxaa suugaan kala duwan ku soo bandhiggay Fadumo Cali Nagruumo, Naciima Abwaan Qorane, Ayaan Axmad Caydiid {Kaaba} iyo kooxda Yaaqdshiid Band, iyada oo suugaantaasi ay aad u jecleysteen dadkii ka soo qeyb-galay bandhiggaasi.
Waa markii ugu horeysay ee Tiyaartaka Qaranka lagu soo bandhiggo dhigane tan iyo intii dhawaan xariga laga jarey Tiyaatarkaasi oo bur-bursanaa Soddonkii sanno ee la soo dhaafay!














