Degalka ama Mareegta ku hadasha codka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo la aas-aasay bishii Janaayo sannadkii 2018-kii ayaa haatan oo ku beegan 30/9/2020 waxaa lagu sameeyay horumarin iyo casriyayn cusub, si uu Degalku ula jaanqaado tiknoolajiyada casriga ah ee caalamka laga isticmaalo.
Wajiga hore ee Degalka AGA ayaa lagu soo kordhiyay isbadallo iyo ballaarin mug leh, qeybaha la casriyeeyay ayaa waxaa ka mid ah: naqshada, qoraalka farta la isticmaalo, midabaynta, qaanadaha oo la badiyay iyo kuwo kale.
Noocii hore ayaa ahaa mid in muddo a lagu soo shaqeeyay laakiin xilligaan ayaa loo baahday in la hormariyo si uu Degalka AGA ula mid noqdo Website adduunka ugu casrisan.
Laba sanno ka hor ayaa dib loo unkay Degalka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, waxaana abuurtay shirkadda tiknoolajiyada ee Sostec.














