Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay, laguna maamuusayay daahfrurka buugga cusub ee NOOLE DILAN, ayna ka soo qeyb-galeen madax kala duwan, maskax-maal, abwaaanno, qorayaal, aqoonyahanno, waxgarad, dhallinyarada jecel akhriska iyo qoraalka, bahda waxbarashada iyo marti sharaf aad u fara badan ayaa xalay oo ku beegneyd 02/6/2022, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Furitaankii munaasabadaas waxaa ka hadlay qoraaga buugga NOOLE DILAN qoraa Safiya Khaliif Cumar oo sheegtay inay ku faraxsan yahay sida mugga weyn ee looga soo qayb-galay daafurka buugeeda, waxaana ay dhinaca kale ka hadashay macluumaadka iyo nuxurka uu xambaarsan yahay buugga NOOLE DILAN, iyada oo halkaasi uga mahadcelisay dhammaan dadkii ka soo qeyb-galay munaasabaddii lagu sharfayay bandhigga buugeeda.

Masuuliyiintii ka hadashay munaasabadaasi ayaa wada qiray qiimaha buuggaasi iyo sida uu u soo jiitey magaca loo bixiyay ee NOOLE DILAN, waxaana ay hoosta ka xarriiqeen in uu buugaasi xambaarsan yahay macluumaad xiiso badan, iyaga oo qoraha buugga uga mahadnaqay soo saarista buugeeda.

Munaasabadaasi oo aad loo jeclaystay ayaa waxa ay ku soo dhammaatay jawi aad u xiisa badan iyo saxiix qoraha buuggeeda u saxiixday dad fara badan oo iibsaday iyo qaar ay hadiyad ahaan u siisey.