Carwada Buugta Soomaalida 2022 ayaa mar kale ka qabsoontay magaalada London ee carriga Britayn maalintii axadda 28kii agoosto ee sannadkan. Carwadan oo sannadle ah ayaa waxaa soo qaban-qaabiya Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) iyo Naadiga Qalinlayda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed (SSPEN).

 Ilaa 16 qoraa ayaa buugtooda halkaa ku soo bandhigay, iyadoo buugta halkaa la keenay ay isugu jireen suugaan, sooyaal, diin, sheeko-faneed, dhaqan, arrimaha bulshada iyo weliba buugta carruurta loogu talagalay. Buugta la soo bandhigay iyo dadweynihii ka soo qayb-galayba waxay ku laba jibbaarmayeen kuwii sannadkii hore ee 2021. Waxay ahayd fursad weyn oo qorayaasha iyo akhristayaashu ku wada kulmaan fikradana is-waydaarsadaan.

Hawlwadeennada AGA iyo SSPEN ayaa ka soo qayb-galaashii ka dhagaystay siday u arkaan carwadan, iyadoo ay dadweynihii halkaa yimid sheegeen in la joogteeyo bandhigyada noocan oo kale ah lana badiyo.

Carwada sannadkan 2022 ayaa ku soo beegantay konton guurada qoraalkii farta Soomaaliga, waxayna masuuliyiintii labada hay’adood ee carwada soo qaban-qaabiyey uga warrameen ka soo qayb-galayaashii xaaladda uu ku sugan yahay af Soomaaligu iyo dadaalka loogu jiro horumarintiisa.