Munaasabad ay qaban-qaabisay maktabadda Belle Books oo lagu soo bandhigayay buugga Ummadaha Jirraban ayaa 27/05/2022, waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho.

Bandhiggan waxaa ka soo qaybgalay, dhallinyarada akhriska iyo qoraalka, masuuliyiin muhiim ah, labada Akadeemiye iyo marti sharaf kale.

Buuggan waxa qoray Dr. Kariim Darwiish waxa af Soomaali u soo tarjumay Aadan Badiic oo ah  tarjume iyo qoraa buugaag badan soo rogay.

Ing. Axmed Faarax oo ku hadlay magaca Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga ayaa u mahadceliyay martidii bandhigga, waxaan uu si gaar ah qoraaga ugu bogaadiyay in uu maktabaddaha Soomaaliyeed ku soo biiriyay buug ku qoran afka hooyo.

Munaasabaddaasi  ayaa ku soo gaba-gabowday si heer sare ah.