Iyada oo wali ay socoto dhismihii iyo ururintii buugaagta ee Makatabadda Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa dhawaan waxaa Maktabadda la soo gaarsiiyay buugaag cusub oo qeyb ka noqon doono dhiganayaasha laga heli doono Maktabadaasi.

Prof. Cabadalla Cumar Mansuur oo ah Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shirweynaha AGA iyo xuska Knoton-guurada afka Soomaaliga ayaa buugaagtaasi ka guddoomay Al-ustaad Maxamed-wali oo wakiil ka ahaa qoraaga buugga Fan iyo Fannaan qoraa Cumar Seerbiya.

Sidoo kale, Prof. Cabdalla Mansuur waxaa kale oo uu dhawr kutub ka guddoomay qoraaga dhiganaha Dardaaran Al-ustaad Cabdinaasir Yuusuf Macallin, dhiganahaas oo ka hadlaayo taariikhdii, waxqabadkii iyo dardaarankii Allaha u naxariistee Avv. Abuu Xamsa.

Maktabadda AGA ayaa horey waxaa Buugaag u soo gaarsiiyay Golaha Midowga Qorayaasha, naadiyada Xamar, Banaadir & Hilin-hayaan, qorayaal caan iyo aqoonyahanno kale oo qorey buugaag kala duwan.