Xaflad lagu maamuusayay xirritaanka bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo sannad walba la qabto, ayna ka soo qeyb-galeen Wasiirro, Xildhibanno iyo boqollaal qof oo iskugu jira suugaanyahanno, qoreyaal, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale oo ka socotay hay’adaha ka shaqeeya horumarinta dhaqanka iyo qoraalka ayaa habeenkii ay ku beegneyd 29/7/2022 waxaa lagu qabtay Xarunta Dhaqanka ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo bandhiggaasi soo gaba-gbaeeyay ayaa  sheegay in uu ku faraxsan yhaay in uu 15 jirsadey bandhigga buugaagata Hargeysa, waxaana uu halkaasi uga mahadnaqay dadkii ka soo shaqeeyay bandhiggaasi oo uuu ugu horeeyo Dr. Jaamac Muuse Jaamac, isaga oo xusay in bandhiggaasi uu magic iyo sharaf u soo jiitay ummadda reer Somaliland.

Guddoomiyaha Xarunta dhaqanka Hargeysa, ahna aasaasaha Carwada Caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u mahad-celiyey dadkii ka qayb-galay ee gudaha iyo dalka dibeddiisa uga yimi bandhiggaasi iyo cid kasta oo qayb lixaad leh ka qaadatay suurtagalinta carwadaasi.

Dr. Jaamac Muuse oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Bandhiggaasi la keenay kumanaan buug oo intooda badan ay ku qornaayeen afka Soomaaliga, waxaana uu iftiimiyay in  buuggii ugu iibsiga badnaa uu ahaa Buuggii laga qoray Madaxweynihii koowaad ee Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), iyada oo ay ku soo xigeen buugaagta kala ah: Wehel Jacayl, buugga Ambassador Qaybe iyo  Buugga Xil-kase.

Munaasibaddii Xidhitaanka Bandhiggaasi ayaa waxa lagu daawaday ciyaar-dhaqameed kala duwan iyo heeso ay madasha ka qaadeen Fannaaniinta Xiddigaha Geeska oo ay weheliyaan fannaaniin kale.