Xaflad lagu maamuusayay daah-furka Bandhigga Buugta Banaadir, ayna ka soo qeyb-galeen madax ka kala socotay Dawladda Federaalka Soomaaliya, maamulka G/Banaadir, madaxda Jaamacadaha dalka, aqooyahanno, qorayaal, abwaanno, naadiyada akhriska iyo qoraalka iyo mari sharaf aad u badan ayaa maanta oo ku beegan 29/3/2022, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Bandhiggaasi oo socon doono inta u dhaxaysa 29-30/3/2022 ayaa waxaa si rasmi ah xariga uga jarey Guddoomiye Ku-xigeenka maamulka G/Banaadir Basma Caamir Jakeeti, waxaana ay sheegtay in ay soo dhaweynayso qabashada bandhiggaasi, iyada oo u mahad-naqday Golaha Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed oo soo agaasimay bandhiggaasi.

Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed Najmo Maxamuud Shiikh Cumar (Qaran-bila) oo iyaduna munaasabaddaasi ka hadashay ayaa ka sheekeeysay heerarka uu soo marey bandhigga buugta Banaadir oo markii 3-aad lagu qabanayo magaalada Muqdisho, waxaana ay caddeysay in bandhiggaasi ay leeyihiin bahda qorayaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan G/Banaadir, iyada oo u mahad-celisay qeybaha kala duwan ee ka qeyb-qaadanaya taaba-galinta bandhiggaasi.

Bandhigga buugta Banaadir oo maanta galay maalintiisiii koowaad ayaa waxaa ka hadlay qorayaal kala duwan oo sharaxaad ka bixiyay buugaag ay qoreen, sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay masuuliyiin ka kala socotay jaamacadda Green Hope. Somali Pen, Dhaxal-reeb iyo hay’addo kale oo marti ku ahaa bandhiggaasi.