Bandhig Dhaqameed ay si wadajir ah u soo abaabuleen Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Iyo xarunta dhaqanka Aw-jaamac Cumar Ciise ayaa intii u dhaxaysay 30-31/5/2022 waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabaddii furtitaanka Bandhiggaasi ayaa waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiin kala duwan iyo marti sharaf aad u badan, waxaana lagu soo bandhiggay Ciyaaro-dhaqameed, aqoon isweydaarsiyo, gabayo, sheeko sheeko iyo cunto Soomaali.
Gaba-gabadi bandhiggaasi ayaa waxaa shahaadooyin lagu siiyay arday hore loo soo baray qaybaha kala duwan ee samaynta agabka dhaqanka, harqaanka, cillaan-saarka iyo xirfaddo kale.
Bandhiggaasi ayaa lagu tilmaamay in uu kaalin muuqata ka qaatay dhiirrigelinta, dhowrista iyo horumarinta dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed.