Aqoonayahanno Soomaaliyeed oo daneeya afka, dhaqanka iyo taariikhda ayaa maanta oo ku beegan 14/6/2022, waxa ay booqasho rasmi ah ku yimaadeen xarunta dhexe ee Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada furitaanka xarunta Akadeemiyada, diyaarinta xafladda 50-guurada afka Soomaalaiga iyo qabashada shirweynaha AGA Prof. Cabadlla Cumar Mansuur oo aqoonyahannadaasi ku soo dhaweeyay xarunta Akadeemiyada ayaa uga war-bixiyay shaqooyinka ay qabato Akadeemiye Goboleedka, isaga oo xubnahaasi uga mahadaqay booqashada ay ku yimaadeen xarunta AGA.

Xildhibaan hore Khaalid Macow C/qaadir, Eng. Nuuradiin Xasan Shiikh iyo Prof. Xasan Cusmaan Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin imaatinkooda xarunta AGA, iyaga oo iftiimiyay in ay diyaar u yihiin sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen taageerida shaqooyinka ay qabato Akadeemiye Goboleedka.

Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa si is-daba joog ah xarunta AGA u soo booqanayay madax, aqoonyahnno, qorayaal iyo qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee jecel akhiska iyo qoraalka.