Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Xuseen Wadaad) ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee Laashin, ka dib markii ay u codeeyeen dhammaan xubnaha Laashin. Guddoomiye “Wadaad” ayaa xilka hayn doona 2022-2024, waxaana looga fadhiyaa in uu soo magacaabo guddoonka kale ee la shaqeyn doona.

Dhammaan xubnaha Laashin oo kala jooga dal iyo dibad waxay ugu hambalyeynayaan Dr. Xuseen Wadaad xilka mar kale loo magacaabay, iyagoo ugu duceynaya in Ilaahey ku guuleeyo howlaha horyaalla.

Dr. Xuseen M. Cabdulle ayaa xilkan soo hayey labadii sano ee la soo dhaafay, isaga oo fuliyey dhammaan qorshayaashii muddo-xileedkiisa, sidoo kalena ku guuleystay in Laashin ay aqoonsadaan hay’ado caalami ah, kuwaas oo bogaadiyey howlaha iyo wax soo saarka miro-dhalay ee Laashin.