Xarunta dhexe ee Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada MUqdisho oo si casri ah u dhisan ayaa haatan waxaa lagu soo kordhiyay dhismaha Aqal Soomaali si qurux badan loo naqshadeeyay.

Dhismaha aqalkaasi oo dad badan soo jiitay ayaa waxaa xarunta ka hirgalyay haweenka G/Banaadir oo dhawkii maalmood ee la soo dhaafay shaqo adag oo isugu jirtay nadaafad, qurxin iyo hagaajin ka hayay xaruntaasi.

Madax isugu jrtay heer Qaran iyo heer Gobol ayaa si kala gooni-gooni ah u soo booqday aqal Soomaaligaasi, kuwaasi oo sawirro ku galay halkaasi.