Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, hobolkiii Soomaaliyeed ee Maxamed Cabdow Saalim oo 14/5/2022 ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

“Innaa lillaahi, wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxa aan tacsi u diraynaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee, Marxuum Maxamed Cabdow Saalim oo ka mid ahaa kooxdii Iftin ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Bar-baarinta” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta AGA.

Akadeemiyada AGA ayaa Marxuumka Alle uga baridey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa fanaaniinta caanka ah ee ku heesi jirey afafka kala duwan, sidoo kalana waxa uu ahaa macallin wax soo baray dad badan oo Soomaaliyeed.