Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed oo ay ka baxday Alle ha u naxariistee, Fanaanadii Khadra Daahir Cige 2/6/2022 ku geeriyootay magaalada Hargaysa.
“Innaa lillaahi, wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxa aan tacsi u diraynaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Alle ha u naxariistee, Marxuumad Khadra Daahir oo ka mid ahayd kooxdii Qaranka ee hobollada Waaberi” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta AGA.
Akadeemiyada AGA ayaa Marxuumadda Alle uga baridey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday.
Marxuumadda ayaa ka mid ahayd fanaaniinta caanka ah ee loogu jecelaa gabdhaha Soomalaiyeed ee ku jira fanka, waxaana ay sannadkii 1957 ay ku dhalatay magaalada Hargaysa, waxaana ay fanka ku soo biirtay 1974.