Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed oo uu ka baxay Allaha u naxariistee, abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo 18/8/2022 ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

“Innaa lillaahi, wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxa aan tacsi u diraynaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee, Marxuum Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ka mid ahaa aasaasayaashii iyo maqaawiirta Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) iyo kooxdii Qaranka ee hobollada Waaberi” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta AGA.

Akadeemiyada AGA ayaa Marxuumka Alle uga baridey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed oo uu ka baxay.

Allaha u naxariistee abwaan Hadraawi ayaa ka mid ahaa abwaannada loogu jecel yahay gayiga Soomaaliya, waxaana uu ummaddiisa uga tagay suugaan aan marnaba duugobeyn.