Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ee Galmudug Abwaan Calideeq Maxamed Xaashi ayaa Maktabadda Guud ee Gaalkacyo waxa uu guddoonsiiyay buugaag ay AGA ugu deeqday Maktabadaasi.
Munaasabad kooban oo lagu maamusayay bixinta buugaagtaasi ayaa ka dhacday isla xarunta Maktabaddaasi, hadal uu halkaasi ka soo jeediyay Wakiilka AGA ee Galmudug Abwaan Calideeq ayaa sheegay in ay gaarsiiyen Maktabaddaasi buugaag ay ka mid yihiin Buugga Maana-faay & Buugga Hal-door ee Taariikhdii iyo Waxqabadkii Danjire Sharif Saalax.
Wakiilka AGA oo hadalkiisa sii wata ayaa caddeeyay in sidoo kale maamulka Maktabaddaasi ay ku wareejiyeen nuqullo ka mid ah Warsidaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.
Guddoomiyaha Maktabadda Gaalkacyo Mudane Garaad Axmed Rooble, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa AGA uga mahad-celiyay buugta ay ugu deeqday, waxaana uu sheegay inay Maktabaddu si aad ah ugu baahnayd buugaagta la soo gaarsiiyay.
Guddoomiye Garaad ayaa aad ugu nuux-nuuxsaday abaalka lama-illaawaanka ah ee AGA ay ku leedahay Maktabadda Guud ee Gaalkacyo. Wuxuuna si gaar ah carrabka ugu adkeeyay sida AGA ay markii ugu horraysayba u fududaysay adeegyadii ay u baahneyd Maktabaddaasi, isaga oo xusay kaalmada AGA la’aanteed in aaney Maktabaddaaas hir-gasheen sannadkii hore.














