Kulan gaar ah oo looga hadlayay sidii tababarro cusub loo siin lahaa da’yarta Soomaaliyeed ee jecel qoraaalka, ayna ka soo qeyb-galeen madax ka kala socotay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed ayaa shalay oo ku beegneyd 30/9/2020 waxa uu ka dhacay xarunta Akadeemiyada ee magaalada Muqdisho.
Md, Rooble Axmed Iidle (Qalbi Taajir), Seynab Xaaji Axmed (Ugbaad), Caaqil Axmed Faarax iyo Dayax Axmed Maxamed oo ku hadlayay magaca Akadeemiye-Goboleedka (AGA) ayaa halkaasi ku soo bandhiggay taariikhda, waxqabadka iyo dadaalka ay Akadeemiyadu ugu jirto hiilka afka Soomaaliga iyo sidii ay tababarro u siin laheyd bahda xiisaysa akhriska iyo qoraalka.
Guddoomiyaha Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed Cali Suudi Nageeye oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in Midowga Qorayaasha uu doonayo sidii uu xiriir iyo wada-shaqeyn ula yeelan lahaa Akadeemiye-Goboleedka (AGA), waxaana uu Akadeemiyada ka codsadey inay tababar u siiso qorayaal ka tirsan Midowgooda, isaga oo dhinaca kale ka mahadnaqay hawlaha baaxadda leh oo ay gacanta ku hayso Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.
Kulankaasi oo ku dhamaadey jawi wanaagsan ayaa labada dhinac waxa ay ku ballameen in la joogteeyo kulamada noocaan oo kale ah.















