Tababbar ku saabsan “Tayaynta Adeegsiga Af-Soomaaliga ee dhanka Saxaafadda” ayna soo qaban-qaabsay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo kaashanaysa Waaxda Warbaahinta G/Banaadir ayaa 23/11/2021, waxaa lagu qabtay xarunta dhallinyarada G/Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Munaasabaddii furitaanka tababbarkaasi ayaa hadal ay halkaasi ka soo jeedisay Guddoomiye Ku-xigeenka G/Banaadi Basma Caamir Jakeeti waxa ay sheegtay in ay si diirran u soo dhaweynayso qabashada tababbarkaasi, waxaana ay iftiimisya nooleynta iyo tayaynta adeegsiga afka Soomaaliga in uu yahay waajib Qaran, iyada oo caddeysay in uu afka Soomaaliga dhaawac weyn soo gaarey xilligii burburka Soomaaliya.
“Masuuliyad ballaaran ayaa inagga saaran ilaalinta iyo hiilka afka Soomaaliga, waxaana jeclaan lahaa in aan ku dadaalno sidii aan uga wada shaqeyn laheyn tayaynta adeegsiga afkeena hooyo” ayay tiri Marwo Basma Caamir oo ka qeyb-galayaashii tababbarkaasi kula dar-daarantay in ay ka faa’iidaystaan aqoonta halkaasi ay halkaasi ku qaadanayaan.
Madaxa tababbarada Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Macallin C/llaahi Shiikh aadan (Gacanka) oo isna ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay in Akadeemiye-Goboleedka ay ka go’an tahay sidii uu afka Soomaaliga dib ugu soo laaban lahaa maqaamkii uu wadanka ku lahaa, waxaana uu hoosta ka xariiqay in tababbarada ceynkaan oo kale ay Akdeemiyadu horey u soo waday, haatan ay sii wadi doonto.
Guddoomiyaha Dhallinyarada G/Banaadir Cabdi-kaafi Maxamuud Makaraan iyo Agaasimaha Warbaahinta G/Banaadir Cabdi-naasir Xirsi Iidle oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa AGA uga mahadceliyay sida quruxda badan ee ay tababbarkaasi u soo agaasintay, iyaga oo codsadey in tababbarada noocaan oo kale ah lagu baahiyo Degmooyinka G/Banaadir.
Intaasi kadib, waxaa halkasi ka bilowday qaadashada casharadii lagu baranayay tababbarkaasi, waxaana daruustaasi bixinay Bare Sare Mustafa C/llaahi Feyruus iyo Macallin C/llaahi Shiikh Aadan Gacanka, iyada oo tababbarkaasi ay ka faa’iideysten in ku dhaw 50 saxafi oo ka tirsan warfidiyeenka Soomaaliyeed.