Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa 1/9/2022, waxa ay u qabatay tababbar ku saabsan kor u qaadida aqoonta xubnaha Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed (Somali Pen) ee Muqdisho, iyadoo uu tababbarkaasi uu ka dhacay xarunta Akadeemiyada ee magaalada Muqdisho.

Tababbarkaan oo cinwaankiisu ahaa “Mideynta habdhigaalka af Soomaaliga”, ayaa waxaa ka faa’iideystay in ka badan 50 xubnood oo ka tirsan naadigaasi, waxaana bixinayey Prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo ah madaxa sare ee Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga.

 Mowduuca tababbarka oo ahaa mid xiisa badan ayaa dhammaadka casharka, waxaa ay ka qayb-galayaashii tababbarka  su`aalo saminaarka la xiriira waydiiyeen Prof, Cabdalla Mansuur oo si waafi ah uga jawaabay, iyadoona ay warcelinta baraha aad ugu qanceen.

Tababbarkaan ayaa waxaa loo qabtay waaxaha tababbarka, tifaftirka  iyo cilmi-baarista ee naadiga lanta Somali Pen oo ay qayb ka ahaayeen xubno cusub oo dhowaan ku soo biiray naadiga  laantaasi.

Gunaanadka tababbarka ayaa xubnaha naadiga ee tababbarka ka qayb-galay waxaa la guddoonsiiyey Shahaado ka qayb-gal.