Munaasabad aad u ballaaran oo lagu maamuusayay xuska maalinta caalamiga ah ee Akhris/qoris la’aanta, ayna ka soo qeybgaleen madax ka kala socotay  Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga, Somali Pen, naadiyada akhriska iyo qoraalka, bahda waxbarashada iyo dhallinyarada xiisaysa akhriska iyo qoraalka ayaa 8/9/2022, waxaa lagu qabtay xarunta AGA ee magaalada Muqdisho.

Najmo Shiikh Maxamuud (Qaran bila) oo ka mid ah hawlwadeenka AGA ayaa ugu horeyntii munaasabadaasi ka hadashay, waxaana ay caddeysay in AGA ay ka go’an tahay sidii ay uga qeybqaadan laheyd ciribtirka akhris/qoris la’aanta, iyada oo halkaasi uga mahadnaqday naadiyadii xuskaasi ka soo qeybgalay.

Sidoo kale, waxaa xuskaasi ka hadlay C/qaadir Cabdi Axmed (Jubba) oo munaasabdaaasi ka soo jeediyay warbixin ka hadlaysay maalinta caalamiga ah ee akhris/qoris la’aanta, isaga oo ku baraarujiyay ka qeyb-galayaashii xuskaasi in loo wada hawlgalo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka akhris/qoris la’aanta.

Intaasi kadib, waxaa la guda-galay akhris wadareed ay ka wada qeyb-qaateen dhammaan dadkii xuskaasi ka soo qeybgalay, iyada oo qaar ka mid ah dhallinyaradii halkaasi joogtay ay soo bandhigeen wixii ay akhriyeen.

Gaba-gabadii kulankaasi, waxaa ka hadlay Aadan Macallin (Aadamo), Saabir iyo Xasan Qaraabo, kuwaasi  oo Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga uga mahadnaqay sida quruxda badan oo ay u soo agaasintay xuskaasi, iyaga oo ballanqaaday in ay ka qeybqaadan doonaan dadaal kasta oo lagu ciribtirayo akhris/qoris la’aanta.