Alla-barigaasi ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiirro, Xidhibaanno, madaxda golaha abwaannada, dhallinyaro ka socotay bahda akhriska iyo qoraalka, saxafiyiin iyo marti sharaf kale, iyada oo munaasabadaasi lagu soo bandhiggay qaybo ka mid ah xusuusihii iyo dhaxalkii wanaagsanaa ee marxuumku uga tagay ummadda Soomaaliyeed.
Senator Cismaan Abuukar Dubbe, Xildhibaan Seynab Caamir, agaasimaha guud ee Warfaafinta C/llaahi Xayir Ducaale, guddoomiyaha golaha abwaannada Xirsi-dhuux Maxamed iyo masuuliyiin kale oo ducadaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay taariikhdii, waxqabadkii iyo wanaagii uu lahaa Allaha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), iyaga oo Alla uga baryay in uu Jannada ka waraabiyo.
Sidoo kale, waxaa munaasabadaasi ka hadlay Najma Shiikh Cumar, Macallin C/llaahi Gacanka iyo Cabdinaasir Yuusuf Macallin oo ku hadlayay magaca Akadeemiye Goboleedka, iyaga oo halkaasi uga duceeyay Marxuumka.
Munaasabadaasi oo ku saabsaneyd Ducada iyo Alle-bariga ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumaysay tacsida Marxuumka!