Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Cali Gacal Gaaboow oo ka hadlayay munaasabad ay ku soo qalin badalanayeen arday dhamaysatay heerka koowaad ee waxbarashada jaamacadda Green Hope ayaa ku baaqay in juhdi iyo dadaal badan la galiyo horumarinta afka Soomaaliga.
Md, Cali Gacal ayaa sheegay inuu afkeena hooyo suuli karo, haddii aan dadaal badan la galinin, waxaana uu xusay in wadan walba uu hormar ku gaaro luuqadiisa, isaga oo soo jeediyay in maskax, maal iyo waqti badan loo huro daryeelka afkeena hooyo.
“Ardayda jaamacaddahu marka ay Xafiisyada inoogu yimaadaan waa nasiibdarro inaysan qaarkood si sax ah u wada qori karin luuqadda Soomaaliga oo rasmi ah, taasina wax la qaadan karo ma aha, sidaasi daraadeed bahdeena waxbarashada waxa aan u soo jeedinayaa inay waqti galiyaan xoojinta luuqaddeena hooyo” ayuu yiri Agaasime Cali Gacal.
In ka badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ayaa xil iska saarin ilaalinta iyo hab qoraalka saxda ah ee afka Soomaaliga!














