Billowga sanadkii hore ee 2020, waxaa soo xoogaysanayey faafitaanka xanuunka Karoonaha kaas oo saamayn wayn ku yeeshay nolasha balaayiin qof oo caalamka ku nool, waxaa uu xayiray dhinac walba oo nolasha ah, waxaa uu joojiyay isu imaatinkii bulshada, waxaa uu saameeyay hawlihii kala duwanaa ee wadar iyo tashi lagu qaban jiray.
Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA, waxaa ay ka mid ahayd hay`adihii uu sida xooggan u saameeyay hawlahooda shaqo, waxaa uu xayiray kulamadii iyo tashigii Goosan-hawleedyada kala duwan, tababbarradii kala gedisnaa oo ay Akadeemiyada bixin jirtay, hawlihii kale ee aqoon faafinta iyo wacyi-gelinta, olalihii AGA ee xil iska saaridda maamullada iyo dowladaha ee adeegsiga af Soomaaliga, Cilmi-baarista iyo daraasadihii kala duwanaa oo ay Akadeemiyada AGA samayn jirtay, madashii hormarinta afka hooyo iyo hal-abuurkiisa iyo hawlo kale oo badan.
Madasha hormarinta afka hooyo iyo hal-abuurkiisa oo la daah furay ama la aasaasay sanadkii 2017-kii waxaa ay ka mid ahayd hawlaha joogtada ah ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA, waana hawl laf-dhabar ah oo xambaarsan aqoon faafin iyo cilmi-baaris.
Goosan-hawleedka kala duwan ee ku kala sugan gudaha iyo dibadaha oo kaashanaya guddoomiyahooda ayaa isla gartay in aan madasha la baajin oo la raadiyo hab kastaa oo lagu qaban karo iyadoo laga taxadaraya xanuunkaan adduunkii kala xiray laguna xisaabtamayo fasaxyada la galay si looga digtoonaado faafitaanka xanuunka oo meel walbaa oo dunida ah saameeyay.
Waxaa la isla gartay in laga faa`idaysto aaladda fogaan aragga ah ee Zoom-ka oo si wayn dunida loogu adeegsanayey maadama la joojiyay kulamadii iyo is araggii tooska ahaa si xanuunka uusan u faafin la iskuna qaadsiin.
Bishii Juun 2020, sanad ka hor ayaa la billaabay in Mdasha hormarinta afka hooyo iyo hal-abuurkiisa lagu qabto aaladda fogaan aragga ah ee Zoom-ka, waxaana barnaamijka loo calaamadeeyay in uu socdo muddo laba saac ah oo ka billaabanaysa 7da fiidnimo illaa 9-ka fiidnimo waqtiga bariga Afrika maalintana ay noqoto Sabti-Axad soo galayso.
Hab socodka madasha ayaa ka kooban saddex qayb oo kala ah:
Erayga furista oo ay marwalbaa Akadeemiyada AGA leedahay.
Kaalinta xeeldheerayaasha martida ku ah barnaamijka iyo
Dawrka Saddexaad ayaa la siiyaa daawadayaasha iyo dhagaystayaasha barnaamijka tooska ugu jira si xeeldheerayaasha ay u waydiiyaan wixii su`aalo ay qabaan ama mugdi kaga jiro amaba ay barnaamijka ugu biiriyaan wixii talo iyo fikir ah.
Madasha 1-aad: waxaa la qabtay bisha Juun 2020, waxaana mowduuca habeenkaas loo doortay in uu noqdo KACAAKUFKII GOBANNIMADA IYO KAALINTII SUUGAANTA SOOMAALIDA, SABABIHII QARAN JABKA IYO SAADAASHA MUSTAQBALKA.
Waxaa mowduucaan wayn lagu daayey oo dusha u ritay xeeldheere Dr. Maxamed Daahir Afrax oo si qiima badan oo soo jiidasha leh u soo jeediyay barnaamijka, waxaana daadihiye ama garwadeen ka ahaa Prof. Cabdulqaadir Ruumi.
Madasha 2-aad: waxaa la qabtay bishii Luulyo 2020, waxaa mowduuca madashaasi loo doortay DHIGAALKA AF SOOMAALIGA, DHIBAATOOYINKA JIRA IYO DHABBAHA XAL-RAADINTA, mowduucaan miisaanka culus waxaa isugu tagay maqaawiir afka iyo dhigaalkiisa magac iyo darajaba ku leh sida:
  1. Cabdalla Cumar Mansuur.
  2. Cabdisalaan Ciise Salwe.
  3. Mustafa Cabdullaahi fayruz.
  4. Macallin Saciid saalax Axmed iyo
  5. Macallimad Saynab Aadan Sharci.
Waxaana barnaamijka xiriiriye ka ahaa oo habeenkaas gacanta loo saaray aqoonyahaan Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon.
Madasha 3-aad:waxaa la qabtay bishii Agoosto 2020, waxaana mowduuca bishaasi loo asteeyay in uu noqdoXAALADDA ADEEGSIGA AF SOOMAALIGA EE MAAMULKA IYO GANACSIGA.
Sida cinwaankaba aad ka dareemi kartaan mowduuca nuucaani waxaa uu u baahanyahay in lagu marti qaado dadka ehelka u ah ee uu quseeyo Akadeemiyada AGA oo taas si wanaagsan uga fakarayso ayaa ku casuuntay.
  1. Kusimaha Raysal wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed.
  2. Wasiirka arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ambasadoor Axmed Ciise Cawad.
  3. Macallin Saciid Saalax Axmed.
Waxaa barnaamijka daadihiye looga dhigay xeeldheere Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon.
 Madasha 4-aad: waxaa la qabtay bisha Sebtembar 2020, waxaana bishaasi mowduuca loo doortay XAALADDA AF SOOMAALIGA EE DOWLAD DEEGAANKA SOOMAALIDA, ADEEGSIGA RASMIGA AH EE MAAMULKA, WAXBARASHADA IYO ADEEGGA GUUD.
Sida Akadeemiyada AGA caadada u ahayd waxaa ay mowduucaasi u dooratay dad ehel u ah, dowlad deegaankana ku nool oo leh masuuliyiin dowladeed iyo aqoonyahaanno magac iyo miisaanba ku leh Jaamacadaha dowlad deegaanka iyo goobaha waxbarashada, waxaa ayna kala ahaayeen:
  1. Wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska dowlad deegaanka Soomaalida mudane Ilyaas Abiib Muxumedoo jigjiga ku sugan.
  2. Cabdinaasir Axmed Ibraahim oo Adis-Ababa ku sugan.
  3. Macallin Maxamuud Maxamed Cabdillaahi oo ah madaxa machadka daraasaadka af Soomaaliga iyo suugaanta ee Jaamacadda Jigjiga oo ku sugan Jigjiga.
Waxaa habeenkaas hadal qaybinta iyo daadaheynta barnaamijka loogu faataxeeyay wakiilka AGA Kenya Maxamed Xasan Cirro.
Madasha 5-aad:waxaa la qabtay bisha Oktoobar 2020, waxaa qalinka lagu duugay in bishaasi uu mowduuca madasha noqdo cinwaan si wayn loo sugaayey kaas oo ahaa ADEEGSIGA AF SOOMAALIGA IYO AALADAHA WARBAAHINTA, SHALAY, MAANTA IYO BERRI.
Waxaa habeenkaasi mowduuca gacanta loo galiyey ehelkii Akadeemiyada AGA laga sugaayey in ay ku aaminto, waxaana lagu casuumay:
  1. Guddoomiyaha guddiga warbaahinta, dhaqanka iyo isgaarsiinta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Khaalid Macoow Cabdulqaadir.
  2. Rugcaddaa Saxaafadeed Mudane Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq.
  3. Qoraa iyo SuugaanyahanMudane Axmed Faarax Cali “Idaajaa”.
Waxaa habeenkaas madasha iyo qaybinteedaba gacanta laga saaray in uu daadihiyo Guddoomiyihii hore ee NUSOJ iyo MAP isla markaana ah Suxufi iyo tababbare saxaafadeed mudane Burhaan Axmed Daahir.
Madasha 6-aad:waxaa la qabtay bisha NOFEMBAR 2020, bishaasi waxaa  loo caleema saaray in laga dhigo mowduuca barnaamijka cinwaan aad loogu sacab tumay dad badan ay aad u doonayeen in ay waxbadan ka ogaadaan, kaas oo ahaa ADEEGSIGA AF SOOMAALIGA IYO UBADKA QURBA JOOGTA, CAQABADAHA JIRA IYO FURSADAHA GARABYAAL.
Waxaa barnaamijkaas lagu marti qaaday xeeldheerayaal ehel iyo marqaatiba u ah waxbadan oo mowduucaasi quseeya qurba joogna ah, waxaa lagu casuumay:
  1. Xuseen Maxamed Cabdulle “wadaad” oo ku nool waddanka Sweden.
  2. Barbaariye Bashiir Cali Xuseen oo ku nool waddanka Norway.
  3. Macallimad Saynab Adan Sharci oo ku nool waddanka Ingiriiska.
Waxaa habeenkaasi qaybinta barnaamijka iyo cod baahiyahaba gacanta laga saaray xeeldheere mudane Boodhari Warsame.
Madasha 7-aad:waxaa la qabtay bisha Disembar 2020, waxaana mowduuca bishaasi loo doortay BOQOL SANO KA DIB HALGANKII DARAAWIISHTA: MILICSIGA HAL-ABUURKII SAYIDKA IYO HUB-KA-DHIGASHADIISA SUUGAANTA.
Xeeldheerayaasha mowduucaani gacanta loo galiyey waxaa ay kala ahaayeen:
  1. Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyaha Akadeemiyada AGA.
  2. Qoraa iyo Suugaanyahan Axmed Faarax Cali “Idaajaa”.
  3. Macallin Saciid Saalax Axmed.
  4. Abwaan Xaashi Cabdillaahi Orrax.
  5. Abwaan Ismaaciil Aw Aadan “Jaajuumow”.
  6. Fardowsa Jaamac Caamir.
Waxaa habeenkaas barnaamijka xiriiye ka ahaa Burhaan Daahir Axmed.
Waxaa sii kordhay xiisaha ay madasha u hayeen bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaa siyaaday magacii iyo kalsoonidii Akadeemiyada AGA ay ku lahayd inta hiilka afka hooyo iyo suugaantiisaba u ahayd, waxaa la qiray dadaalka iyo oradka ay Akadeemiyada AGA ku jirto in uu yahay mid dhab ah marqaati la taaban karana leh, Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA isma dhigan mana ka daalin in ay  sii laba-laabto oradkii ay ugu jirtay aqoon faafinta gaar ahaan sii wadista madasha hormarinta afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.
Curashada sanadka cusub ee 2021, waxaa ay ku billaabatay iyadoo Goosan-hawleedka Akadeemiyada AGA iyo guddoomiyahooda firfircooni dheeraad ah iyo u bisayl dhab ah laga dareemayo.
Madasha 8-aad: waxaa la qabtay bisha Jannaayo 2021, waxaa madashaani loo asteeyay mowduuc qiima badan BARIDDA IYO BARASHADA AFKA HOOYO: BAAHIDA LOO QABO KU BARAARUJINTA SOOMAALIDA.
Mowduucaasi mugga wayn waxaa ay Akadeemiyada AGA u soo xushay xeeldheere ehel u ah oo uu qofkastaa lahaa waa isla doonasho Ilaah oo madasha iyo martidaba waa la isku helay, waxaa barnaamijkaasi lagu casuumay xeeldheere Macallin Saciid Saalax Axmedoo habeenkaa kaligii fagaaraha soo istaagay si layaab lehna dadkii barnaamijka la socday iyagoo sii macaansanayey ay ka warheleen Macallinka oo leh waan ka baxay, habeen xiisihiisa iyo taariikhdiisa leh ayuu noqday.
Waxaa barnaamijka daadihiye looga dhigay bare sare Mustafa Cabdullaahi Fayruz.
Madasha 9-aad: waxaa la qabtay bisha Febraayo 2021, waxaa bishaani cinwaan looga dhigay XUSKA MAALINTA AFKA HOOYO IYO XAALADDA AF SOOMAALIGA: SHALAY, MAANTA IYO BERRI.
Sidii laga sugi jirayba Akadeemiyada AGA waxaa ay mowduucaan muhiimka ah farqaha ugu shubtay kuna tiri ka soo baxa xeeldheeraayaasha kala ah:
  1. Maxamed Daahir Afrax. Guddoomiyaha Akadeemiyada AGA.
  2. Cabdalla Cumar Mansuur.
  3. Cabdulqaadir Ruumi.
  4. Macallin Maxamuud Maxamed Cabdillaahi.
  5. Macallimad Nimca Nuur.
Waxaana habeenkaan barnaamijka daadihiye ka ahaa Burhaan Axmed Daahir.
Madasha 10-aad: waxaa la qabtay bisha Maarso 2021, waxaana habeenkaan mowduuca madasha cinwaan looga dhigaySUUGAANTA SOOMAALIDA: WAXA AY TAHAY, WAXA AY TARTO IYO WAAXYAHA AY U KALA BAXDO.
Waxaa mowduucaan dusha loo saaray oo Ilaahay hakula garab galo laguuma dhaafo lagu yiri Guddoomiyaha AGA Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ah xeeldheere suugaaneed iyo qoraa, waana sababta mowduuca kaligii loogu dhiibay in uu aqoon durugsan u leeyahay suugaanta iyo qaybaheeda.
Waxaa habeenkaa barnaamijka lagu casuumay in ay daadihiso Dayax Axmed Iley.
Madasha bisha Maarso oo la qabtay dhammaadka bisha ayaa isku xambaaratay bilaha Abril iyo May maadaama ay soo gashay oo ay labadaasi bilba saamaysay bishii barakaysnayd ee Ramadaanka, waxaa sidaasi gunaanadka barnaamijka iclaamiyey guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA  Dr. Maxamed Daahir Afrax oo isaga habeenkaa barnaamijka marti ku ahaa, soona xiray madashii bilnayd ee habeenkaasi.
Madasha hormarinta afka hooyo iyo hal-abuurkiisa waxaa ay noqotay madal taariikh wayn ka gashay hawlaha Akadeemiyada AGA isla markaana cilmi badan ay ka korarsadeen dad waynihii ku xirnaa madallada kala duwan, ammaan badanna u soo hibeeyay Akadeemiyada AGA.
Inkastoo xanuunka karoonaha uu dhibkiisa iyo culayskiisa watay haddana intii uu jiray waxyaabaha la taaban karo ee looga guulaystay waxaa ka mid ahayd adeegsiga aaladdaan fogaan aragga ah ee Zoom-ka oo lagu unkay guula badan oo taariikhi ah.
Faa`iidooyinkiisa ka sokoow waxaa uu leeyahay khasaarihiisa, waxaan ka xusi karnaa in uusan qofku adeegsan karin internet la`aan, in qof aad casuuntay oo barnaamijka marti kuugu ahaa la wayn karo ama uu qadka ka xummaan karo, in aysan qofkastaa adeegsan Karin aaladdaan xitaa haddii uu internet haysto illaa laga fahansiiyo hab isticmaalka aaladdaani.
Cabsida xooggan ay aaladdaani adeegsigeeda leedahay waxaan ka tilmaami karnaa in ay mararka qaar kugu adkaato in aad hal xeeldheere casuunto adigoo ka baqaya dhibaatooyinka aan kor ku soo sheegnay in midkood uu ku qabsan karo, waana sababta ugu wayn ee keenaysa in waqtigoo yar, mowduuca oo muhiim ah aad isku kor ballansato dhawr xeeldheere si haddii aad mid waydo aad kuwa kale ugu baxsato, waa hawl adag oo u baahan diyaarin iyo diyaar garoow badan iyo xusuusin joogta ah in aad siiso xeeldheerayaasha kuu ballansan.
Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA, waxaan dhihi karnaa adeegsiga aaladdaani Zoom-ka sidii looga baahnaa ayay uga faa`idaysatay, waxbadan oo cilmi ahna waxaa ay u reebtay bulshadeeda.
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA Dr. Maxamed Daahir Afrax oo qiraya muhiimadda barnaamijkaani uu u lahaa bulshada, ayaa Goosan-hawleedka Akadeemiyada AGA ka soo saaray guddi loo igmaday in ay barnaamijkaani hadalka ah ay u soo rogaan qoraal, si intii aan la socodka barnaamijkaan aan ka buuxsan dhagaha ay bal dhanka akhrinta uga faa`idaystaan marka madallada buug laga soo saaro sidoo kalena looga dhigo kayd qoran oo diiwaan la akhrisan karo noqdo.
Waxaa la dhihi karaa dhaqaaqii iyo tallaabadii ay Akadeemiyada AGA u qaadday adeegsiga aaladdaani waa lagu aflaxay oo guushii la sugayey ayaa laga helay.
       Waxaa Diyaariyay:
 Ustaad C/qaadir Cabdi Axmed (Jubba)