Kusimaha Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), Dr Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) oo ka qaybgalayay kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa hirgelinta saxiixa danabeysan (Digital Signature) ayaa u soo jeediyay wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda Federaalka Soomaaliya inay warbixinnadooda ku qoraan af Soomaali, oo ah afka rasmiga ha ee qaranka.
Dr. Xuseen Wadaad oo hadalkiisa sii wata, ayaa caddeeyay in laga wanaagsan yahay in af shisheeye laga jeclaado afkii hooyo, wuxuuna iftiimiyay inay waajib tahay in laga gudbo in afaf qalaad lagu soo bandhigo warbixinnada dawladda, isagoo ballanqaaday inay Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga diyaar u tahay sidii ay gacan uga gaysan laheyd tarjumidda iyo ererybixinta afafka shisheeye.
Xoghayaha guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Md, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo hadalka Kusimaha Guddomiyaha AGA ee ku aaddanaa in warbixinnada dawladda lagu soo bandhigo af Soomaali, iyadoo dhanka kale, dhammaan ka qaybgalayaashii kulankaasi ay taageereen hadalkii Dr. Xuseen Wadaad ee ahaa in mudnaantiisa la siiyo afkeena Soomaaliga.
Hadalkaan ayaa Kusimaha Guddoomiyaha AGA, waxa uu shalay oo ku beegneyd 18/6/2025, uu ka jeediyay kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa hirgelinta saxiixa danabeysan, kaasoo uu soo agaasimay xafiiska Xisaabiyaha Qaranka.