Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa maanta oo ku beegan 6/6/2025, ahna maalinta koowaad ee Ciidda Carafo, waxa uu dhambaal  hambalyo ah oo ku saabsan munaasabadda Ciidul Alxaaga, uu u direy guud ahaan shucuubta islaamka ah, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed.

 Macallin Saciid Saalax ayaa shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u rajeeyay in ay ku ciidaan farxad, caafimaad iyo nabad, waxaana uu dadka Soomaaliyeed ku dhiirrigeliyay in la caawiyo dadka tabarta yar, si ay uga qeybqaataan maalmaha farxadda Ciidda.

Ugu danbayntii, guddoomiyaha AGA waxa uu Alle ka baryay in Ciidaan Ciideeda kale uu ummadda Soomaaliyeed ku gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo.

Ciid wanaagsan       عيد مبارك

    تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال