Waxaa maalmihii la soo dhaafay ee bishii Maajo 2025, ka socday magaalada London laba bandhig dhaqameedyo oo xubno ka tirsan AGA ay si gooni ah uga muuqdeen. Bishii tagtay siddeedeedii waxaa ka furmay hoyga dhaqanka ee ku yaalla galbeedka London xaafadda Shepherd’s Bush matxaf lagu soo bandhigay alaabo fara badan oo Soomaalidu adeegsan jirtay qarniyaal fara badan.
Soomaalida ku nool London, ayaa u soo daawasho taga halkaa, iyadoo dhallinyarada ku dhalatay kuna kortay qurbaha ay fursad u heleen inay arkaan hiddahoodii iyo dhaqankii ay lahaayeen, welina meelaha qaar laga adeegsado.
Inta aad matxafkaas joogto, waxaad fursad u heleysaa inaad daawato filim uu guddoomiyaha AGA Macallin Siciid Saalax Axmed si xeeldheeri ah u sharraxaya kana sheekeynaya agabkaa kala duwan iyo waxtarkooda.
Intii u dhexeysay 22kii ilaa 30kii Maajo ayaa Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed, waxay iyaguna qabteen bandhig farshaxaneed aad u qurux badan, waxaana halkaa lagu soo bandhigay sawir gacmeedyo ay sameeyeen dhallinyaro deggen Xamar, kuwaasoo kadib markii ay tababarro qaateen hirgeliyey sawirro ka turjumayey xaalado kala duwan, kuwaas oo xambaarsanaa dareen weyn oo taabasho leh.
Bandhigga waxaa furay Ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Senator Saalax Axmed Jaamac oo uu wehliyo wasiirka waxbarashada ee Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo danjiraha Soomaaliya ee dalkan Ingiriiska Amb. Cabdulqaadir Xaashi. Laanta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga ee dalka Ingiriiska ayaa maalmaihii uu bandhiggu socday ka qeybgalay hadalna ka jeediyey. Maalintii 24ka bisha waxay ku asteysneyd maalin ay dhallinyaro ku dhalatay kuna barbaartay dalka UK, ay halkaa ku soo bandhigeen gabayo Soomaali iyo Ingiriisi ay ku tiriyeen.
Waxaa xusid mudan, in maalintaa laba xubnood oo ka tirsan AGA laanteeda UK inay iyagana qeyb ka ahaayeen gabyaagii halkaa wacdaraha ka dhigay. Maalintii 27kana, waxay ahayd maalin looga hadlayey guud ahaan af Soomaaliga, wuxuuna gaar u ahaa AGA oo ka sheekeysay Akademiyada iyo waxay u taagan tahay, afkeenna qiimaha uu leeyahay, iyo weliba sooyaalka qoraalka farta Soomaaliga.