Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa maanta oo ku beegan 12/5/2025, waxa uu xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo salaan iyo booqasho sharaf ugu yimid guddoomiyaha Akademiyada.
Macallin Saciid Saalax oo xarunta dhexe ee Akademiyada ku soo dhaweeyay Prof. Geeddi ayaa uga warbixiyay howlaha AGA ee ku aaddan hiilka, daryeelka iyo horumarinta af Soomaaliga, isagoo caddeeyay AGA inay ka go’an tahay sidii uu af Soomaaliga ugu soo laaban lahaa meeqaamkii uu ku dhex lahaa ummadda Soomaaliyeed.
Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay Akademiyada AGA inuu ku bogaadinayo dadaalka ay ugu jirto xoojinta iyo noolaynta af Soomaaliga, waxaana uu ku baaqay in laga faa’iidaysto aqoonta, qibradda & madaxda joogta Akademiyada, isagoo dhanka kale guddoonsiiyay guddoomiyaha AGA Macallin Saciid Saalax iyo Barasare Cabdalla Mansuur nuqullo ka mid ah buuggiisa RAADKAYGII, oo dhawaan lagu soo bandhigi doono magaalada Muqdisho.
Intaasi kaddib, Ra’iisulwasaare Geeddi waxaa lagu soo wareejiyay qaybaha ay ka kooban tahay Akademiya Goboleedka sida hallka xafladaha, makatabadda AGA, kaydka (Archive), hallka shirarka iyo qaybaha kale ee Akademiyada.


















