Home Wararka AGA Akademiya Goboleedka (AGA), Jaantus iyo Jaamacadda King Collage London oo Iskakaashaday Ereybixinta... Wararka AGA Akademiya Goboleedka (AGA), Jaantus iyo Jaamacadda King Collage London oo Iskakaashaday Ereybixinta Teknoolajiyadda May 4, 2025 Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Kulancilmiyeed looga hadlayay ereybixinta teknoolajiyadda, gaar ahaan garaadka macmalka ah (Artifecial Intelligence), ayna ka qaybgaleen xeldheerayaal ka kala socday Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), hay’adda Jaantus iyo jaamacadda King Collage London, ayaa shalay oo ku beegneyd 3/5/2025, waxaa lagu soo gabaggabeeyay xarunta Akademiyada ee magaalada Muqdisho. Furitaanka kulancilmiyeedkaasi, waxaa ka hadlay guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Macallin Saciid Saalax Axmed, waxaana uu sheegay inuu soo dhawaynayo qabashada kulancilmiyeedkaasi lagu gorfaynayo ereybixinta teknoolajiyadda, gaarahaan qaybta garaadka macmalka ah (Artifecial Intelligence), wxuuna iftiimiyay kulancilmiyeekani inuu billow wanaagsan u yahay iskaashiga hay’adaha ka wada shaqaynaya ereybixntaas. “Akadamiya Goboleedka Af Soomaaliga, waa hay’ad aqooneed, u xilsaaran ilaalinta, daryeelka iyo horumarinta af Soomaaliga, waxayna leedahay waaxyo ay ka mid tahay waaxda tarjumaadda iyo ereybixinta oo hawsheedu ay tahay ereybxinta aan halkaan ku hayno iyo tarjumaadda” ayuu yiri Macallin Saciid Saalax oo dhanka kale kula dardaarmay xeeldheerayaashii ka qaybgalayay ereybixntaas inay sida ugu wanaagsan uga doodaan ereybixinnada la xiriira dhanka teknoolajiyadda. Sidoo kale, waxaa furitaankii munaasabadaasi, iyana ka hadlay agaasimaha hay’adda Jaantus Maxamed Cabdulmaalik iyo Mr. Pitter Chonka oo ka socday jaamacadda King Collage London, kuwaasi oo sheegay inay ku faraxsan yihiin wadashaqynta cusub oo ay yeelanayaan AGA, Jaantus iyo King Collage, waxayna ballanqaadeen inay joogtayn doonaan wadashaqayntaas, iyagoo dhanka kale Akademiyada uga mahadnaqay doorkeeda ku aaddan ereybxinta teknoolajiyadda. Intaasi kaddib, waxaa la gudagalay doodihii ku saabsanaa ereybixinta garaadka macmalka ah (Artifecial Intelligence), waxaana doodaasi ka qaybqaadanayay xeeldheerayaal ka socday Akademiya Goboleedka AGA, kuwaasi oo uu hoggaaminayay madaxa waaxda Naxwaha Akademiyada Barasare Cabdalla Cumar Mansuur. Daadda ku saabsan erebixinta teknoolajiyadda ayaa xarunta Akademiyada ee magaalada Muqdisho, waxay ka socotay intii u dhaxaysay 1-3/5/2025, MAQAALLO LA XIDHIIDHADHEERAAD AH OO KA SOO QORAAGA Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) oo ku Guulaysatay Ereybixnta Artificial Intelligence Akademiya Goboleedka (AGA) oo ka Tacsiyaysay Geerida ku Timid Fannaanadii Shankaroon Axmed Yuusuf Munaasabad Ballaaran oo isugu jirtay Duco, Xus iyo Xusuus oo Muqdisho loogu qabtay Prof. Cali Jimcaale Xulka Maqaallada FALANQEYNTA KULALIHI (W/D PROF. CABDULQAADIR RUUMI) November 5, 2025 Dagaalkii Qaboobaa ee Qalinka! October 28, 2025 Hayaan iyo Hugun October 25, 2025 Tacliinta Sare iyo Afka Hooyo October 12, 2025 Maalinta Caalamiga ah ee Akhris Qoraalka September 9, 2025 Maqal iyo Muqaal Daawo: Madaxa Naxwaha AGA Barasare Cabdalla Mansuur oo Sharraxaya Ereybixinta... April 5, 2026 Daawo Xafladii Maalinta Afka Hooyo oo lagu qabtay Xarunta Akademiya Goboleedka... February 22, 2026 Daawo: Guddoomiye Kuxigeenka AGA oo Akhrinaya Warmurtiyeedka Fadhigii Wasiirrada iyo Kalfadhigii... February 13, 2026 Daawo: Ra’iisulwasaare Kuxigeenka Soomaaliya oo soo Xirey Fadhiga Wasiirrada & Kalfadhiga... February 12, 2026 Daawo: Hadaljeedintii Wasiirka Waxbarashada Faarax Cabdulqaadir uu ka Jeediyay Furitaankii Fadhiga... February 11, 2026